X

Muuse Biixi oo codsaday ina la siiyo muddo kooban oo ku xaliyo doorashada

Horjoogaha maamulka Somalilaan Muuse Biixi oo markale la kulmey Faysal Waraabe iyo C/raxmaan Ciro ayaa codsaday in muddo la siiyo uu Kula tashado xisbigiisa una fuliyo qodobada ay odayadu soo saareen. Marnaba lama soo qaadin saamiqaybsiga qorshahana uguma jirto ayuu yiri Xuseen Warsame oo Hargeysa jooga.


C/raxmaan Ciro oo la hadlaayay saxaafada ayaa sheegay inuu la ogolaadey Muuse Biixi in muddo la siiyo uu ku kala diro guddiga doorashada ee bugta ah ee uu doortey kuna soo celiyo kuwii hore u fashilmey.


Muuse Biixi ayaa cadaadis uga yimi Ingiriiska oo ka mida taageereyaasha ugu weyn ee maamulku haysto. Waxaad is weydiin kartaa arinta saamiqaybsiga ee sida cad loo geliyay bustaha hoostiisa reer Awdal maku qasbi karaan ina saxo.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.