Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Muuse Biixi oo diidey guddi xal raadina oo madaxweyne Farmaajo magacaabay

Madaxweynaha Somaliya Maxamed Farmaajo ayaa shalay magacaabay guddi xal raadinta oo meel saarta tabashada maamulka uu hogaamiyo Muuse Biixi ee Somaliland. Lama fadhiisanayno guddigaas uu magacaabay.

Shir Ingiriisku ugu qabtey London maamulkii fadhiid Sheekh Shariif ayuu ku saxiixay in meel la saaro tabashooyinka Somaliland, waxase waxba kama jiraan laga soo qaaday deeqo shirkaasi loogu deeqay Somaliya.



Muuse Biixi oo war ka soo saaray guddigaas ayaa sheegay in madaxweynaha Smaliya meelkasta cadaadin saaray oo ay ugu dambetysay xoolihii Sucuudigu diidey iyo mashaariic Imaaraadku fulinaayay oo xataa dadka reer Somaliland ogeyn waxa lagu heshiiyay.

Muuse Biixi ayaa sidaa darteed sheegay in erayga WALAALAHEENA SOMALILAND uu yahay mid carabkiisa iyo camalkiisu is waafaqsanayn.



Wuxuu ku celiyay in arinta Somaliland looga garnaqi karo meel uu joogo shisheeye oo dadka badankiisu u qabaan inuu yahay Ingiriiska ama kuwa ay u arkaan inay danahooda ka helayaan sida Norwey iyo Danmark. Turkiga hore ayay u diideen.

Waxa kale oo Muuse Biixi ka xanaaqay erayga Federaal oo ku jirtey warbixinta magacaabista madaxweyne Farmaajo sameeyay, wuxuu sheegay in Somaliland ”Jamhuuriyad tahay” xilli hore qaadatey xoriyadeeda haddana muddada burburka gooni u taagneyd.



Wuxuuna ku soo xirey diidmada guddigaas inay ku tahay gef siyaasi ah, Somaliland-na wixii gudaheeda ah iyadaa dhammaysata, cadowgeedana waxa ay u jawaabtaa iyada oo midaysan, muwaaddinka Somaliland-na kama suurowdo inuu gadhwadeen u noqdo cadowga dalkiisa.



Waxa Muuse Biixi la kulmey safiirka midowga Yurub ee Somaliya wuxuuna kala Hadley arintan dib u heshiisiinta Somalida dhexdeeda. Waxaanad moodaa in sheekada wadahadalka halkaas ku xirmey in muddo ah.

Warbixintii Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

 



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...