X

Muuse Biixi oo fasaxay telefishano ka hawlgala Hargeysa muxuuse ku qaniiney

Maamulka Somaliland ayaa sheegay inay dib u fasaxeen laba telefishano oo ka hawlgala Hargeysablaakiin xarumo ama weriyeyaal u joogaan gobolada dalka. Wasiirka isagu qorey warqada xiritaanka ayaa sheegay inay heshiis ka gaareen wixi lagu haystey.


Masuuliyiinta labada telefishan ayaa iyaguna sheegay in arinran lagu dhameeyay si tolnimo oo ay ka hawlgaleen ergo odayaala oo u tagey Muuse Biixi.

Muuse Biixi ayaa ku haystey labada telefishan maxaad u oran weydeen “Jamhuriyada Somaliland”. Waxana eeda weyn la saaray weriye uga soo warama Butlaan oo isaga laga waayay erayga “Jamhuuriyada Somaliland” iyo weliba weriyeyaal kale oo jooga Hargeysa.


Waa nadib daro in laba telefishan oo xoogsanaya oo feer iyo laad wax ku wada muddo u xirnaadaan eray beena oo aan jirin ayuu yiri Xuseen Warsame oo jooga Hargeysa kana faalooda siyaasada maamulka Somaliland.

Waxa kale oo wax laga xanaaqa ah in arin wax loogu dhimey labadaa telefishan ayna haba yaraatee helayn wax xuquuqa intii ay lumiyeen xafiisyada Hargeysa ayuu raaciyay Xuseen Warsame.


Si kastaba ha ahaatee waxaan oran karaa waa afduubnimo u dhiganta tii argagixisada shabaab oo iyagu weriyeyaasha ku dili jirey na dheh “mujaahidiin” iyo dumarka oo ay ka iibin jireen marada madow inkastoo maradaa madow ee Wahaabiyada Sucuudigu u hirgashay oo dumarku aad u iibsadaan.

Warbixintii Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.