X

Muuse Biixi oo ka hadley Saraakiil reer Awdala oo beeshiisu dileen

Laba sarkaal oo reer Awdala ayaa shalay gelinkii dambe lagu diley gobolka Sanaag xilli ay ka baxeen saldhigii ay ku jireen. Wararka ayaa sheegaya in labada sarkaal ayaa midi ahaa taliyaha xabsiga ee deegaanka Gar-adag oo magaciisu ahaa C\llaahi Axmed Tallan iyo ku xigernkiisii Nuur Cali.


Labadan taliye ayaa ka baxay Gar-adag kadib markii ay soo xireen nin Isaaqa oo lagu magacaabey Cali Ciid, kuna soo xidheen magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag sida wararku sheegayaan.

Ninkaasi la soo xirey ayaa la sheegay inuu ku dhex dhintey jeelka. Lama sheegin sababta ninkaasi u dhintey. Saraakiisha ayaa kadib u dhaqaaqay hawlahooda kale.


Waxana muuqata in dilkooda la qorsheeyay maadaama la ogaa halka ay u baxeen iyo goorta ay u baxeen, oo telfoono laga daba direy, waxana loo galay dhexda, kadibna sidaas lagu diley.

Waxa deegaanadaas isku cuna beelaha Isaaqa, waxana ka mid ahaa dadka u tagey dhexdhexaadinta suldaanka labadan taliye ee la diley ee Suldaan  Dhawal.


Labadan sarkaal ayaa noqonaya nin dameeri dishey maadaama goobta lagu diley ay xataa ku yaryihiin askarta kale ee ka soo jeeda Dhulbahante iyo Warsangeli.

Muuse Biixi ayaa tacsi direy kadibna sheegay inuu amrey soo qabashada kuwa dilka gaystey oo u muuqata arin lagu qoslo gobol fowd ah oo sida kaliya ee lagu helo cadaalad ay tahay in aad soo dhacsato.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.