X

Puntland oo ugu dambeyn war ka soo saartey dilkii iyo kufsigii lagula kacay Caasha

Maamulka Puntland oo ay ka guureen ehelada Caasha Ilyaas oo ahayd gabadh yar oo inta la kufsadey hadana jirkeeda la jarjaray, ayaa maanta shaaca ka qaaday inay soo idlaatey kiiskaas dacwadii ku saabsanayd.


Masuul u hadley naxkamada ayaa sheegay in hadda gobolka uu soo gaaray dhiigii laga qaaday ragga qaar maadaama baarista dhiiga hidaha ayna jirin Puntland sidaaana ay ku timi daahid in kiiska maxkamada la keeno.


Waxa masuulkaas u hadley maxkamada uu sheegay in dhawaan la  bilaabo doono kiiskaas maadaama wixii loo baahnaa la wada hayo. Waa dhacdadii ugu foolxumayd ee ka dhacda caro Somaliyeed oo loo gaysto gabadh aad u yar. Dadka loo haysto ayaa lagu sheegay ilaa 10 qof.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.