X

Muuse Biixi oo ku hungoobey shilimaad uu u tuurey odayaasha reer Awdal qaar

Dhawaan ayaa Muuse Biixi tagey magaalada Boorama isagoo kiish lacaga wada. Wuxuu u hoyday magaalada halkaas oo wakiilkiisa u balamiyay odayaasha iyo dhalinyarada raba awood qaybsi xalaala oo dhexmara labada beelood haddii la sii wadayo magacan ay ku hogmeen ee Somalilaan.


Shaah iyo casho kadib ayaa Muuse Biixi qaybiyay lacagta uu waday si uu u iibsado odayaasha awal isaga raacsanaa laakiin hadda aan socon karin dhalinta awgeed, waxayse cod isku mida ku yiraaheen mahadsanid ee mowqifku waa kii aan gudbinay ee maxaad jawaab noo haysaa.

Muuse Biixi iyo wakiilkiisa oo dhididsan ayaa la soo booday af wax cuney xishoo ee see wax u jiraan, ictiraafkeena ayaa ku xiran doorashada iyo maya ee jawaab ayaan kaa sugeyney haddana kaa sugeynaa.


”Muuse Biixi oo lacagtiina laga cuney oo yaaban ayaa ka soo kacay goobta ayuu yiri Xuseen Warsame. ”Ilaa aan jawaab ka bixiso wax aan qaban karno ayaa yar iyo doorasho aan gali karno ayay ku dhamaatey sheekadu.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.