X

Raiisal wasaare Maxamed Xuseen oo dadka Xamar degan hal ka codsaday

Raiisal wasaaraha cusub ee dalka Somaliya ayaa sheegay inuu ka mid ahaa dadka ku dhiban wadooyinka amniga u xiran ee magaalada Muqdisho laakiin ka dalbadey dadka magaalada hal shay si loo dardar geliyo amniga.


”Waxaan furnay maanta qaar ka mida wadooyinka Muqdisho laakiin si aan waxoo dhan u furno waa in dadka magaaladu kala shaqeeyaan amniga ciidamada u qaabilsan soona sheegaan dhiigmiiratada ku dhexjira ayuu codsaday RW Maxamed Xuseen.

Dadka badankiisa ayaa qaba in jidadku u xiran yihiin amni daro ay kow ka tahay in argagixisada iyo dadka magaaladu wada shaqeeyaan. Qaraxa ugu badan ayaa yimaada ayadoo aan la soo sheegin dhiigmiiratada inkastoo si tuuga ku hawlgalaan maadaama waxa ay wadaan ay tahay diin la’aan.


Si kastaba ha ahaatee waxa Muqdisho ka jirta wa wax ka wey wadooyin la xirey ee ay tahay dadka magaalada degan inay iyagu is dilayaan ayuu qabaa Cali Calasow.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.