X

Sucuudiga oo joojiyay tegida Cumrada ilaa amar dambe

Dawlada Sucuudiga ayaa joojisay tegida Cumrada sanadkan ilaa amar dambe ka soo baxayo. Cumrada iyo booqashada goobaha barakaysan ayaa Muslimiintu aadaan xilli kasta oo ay fursadu u saamaxdo.


Qoraal ka soo baxay wasaarada arimaha dibedda ayaa lagu sheegay in la joojiyay imaanshaha Cumrada maadaama uu jiro cudurka hargabka Shiinaha oo hadda la sheegayo in dhimashada ugu badan marka laga soo tago Shiinaha ay tahay Iiraan oo baddu u dhaxayso.


Ilaa 19 qof ayaa Iiraan u dhimatey cudurkan ayadoo hadda cudurku gaaray dhamaan qaaradaha aduunka kolba sidaad u taqaan.


Waxay kaloo amaro ku soo rogeen dadka u dhashay wadamada Khaliijka ee awal ku soo geli jirey taysarada aqoonsiga Sucuudiga inayna ku imaan doonin laakiin ay ka hici karaan dalka.

Xajka sanadkan

Waxa shaki weyn ka jiraa in sanadkan xajku dhici doono iyo in kale maadaama cudurku saameeyay aduunka oo dhan hala kala badnaadee, waxayse sheegeen Sucuudigu inay la kaashan doonaan khuburada cudurkan kadibna go’aan ka gaari doonaan inta aan la gaarin xajka.

Sucuudiga ayaa balaayiin Ku waayo doona haddii sanadkan la joojiyo xajka.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS



admin:

This website uses cookies.