X

Muuse Biixi oo sadex magaalo bandoo ku soo rogey

Madaxa maamulka Somaliland Muuse Biixi ayaa sadex magaalo ku soo rogey bandoo. Magaalooyinka ayaa dhamaantood ka mida gobolka Sanaag waana gobol uu ka bilowdey kacdoonka Jeneraal Caare. Bandooga ayaan jeneraalka waxba u dhimeyn.


Waxa kale oo magaalooyinka  Ceerigaabo, Ceelafweyn iyo Gar-adag ee uu bandooga ku soo rogey ka taagan xiisad colaadeed oo u dhaxaysa beelaha Isaaq ee wada dega halkaas.

Waxana shalay halkaas lagu diley laba sarkaal oo ka soo jeeda gobolka Awdal oo markii horeba loo geeyay inay dhex dhexaad u noqdaan laakiin loo diidey in gurmad la siiyo.


Ama bandoo soo rog ama ha soo rogin waxaan diyaar u nahay in aan u aarno raggii sida fuleynimada ah dhexda loo galay ee la diley, weliba iyagoo marrti u ah Isaaq ayuu yiri Cali Xuseen oo Boorana jooga.

Hoos ka fiirso warka Muuse Biixi ee bandooga

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.