X

Somaliland haday sidan ku socoto waa lagu kala tagayaa: C/raxmaan Ciro

Gudoomiyaha xisbiga Wadanii oo shir jaraaid oo xasaasiya wabtey ayaa ugu horeyn ka hadley doorashada Muuse Biixi iyo Faysal Waraabe kaligood qabsabayaan ayuu yiri

“Haddii uu go’aansaday Muuse in uu laba xisbi Doorasho u qabto annaguna ma doorasha la’aan doono, dhammaan taageerayaasha xisbiga Waddani waxaan ugu baaqayaa in aanay qaadan kaadh diiwaangalineed oo Kulmiye iyo Ucid wadaan.


Saxaafada

Isagoo ka hadlayey Cabudhinta Saxaafada ayuu yidhi Mar kale  “ Cabudhinta saxaafadda waxa ka dhalan doonna kacdoon shacbi, soconna mayso in kolba mid la xidho loona hanjabo. Tirada Muuse Biixi jeelka ku gurey ayaa xad dhaafa.


Muxuu ka yiri sarkaalo reer Awdala oo lagu diley Sanaag:

Gudoomiyaha Xisbiga Wadani ayaa ka hadlay  Laba Sarkaal oo lagu dilay Deegaanka Gar-adag, Wuxuuna sheegay inay wakhti badan Gurmad dalbanayeen.

” Waxaan tacsi u dirayaa marka hore labadii sarkaal ee shalay danbiilayaashu ku dileen deeganka Gar Adag .
Laakiin waxaan ka xumahay in saraakiisha la dilay muddo 5 cisho ah ay gurmad ka dalbanayeen wasiir Maxamed Kaahin oo ku mashquul sanaa qabashada Doorasho laba xisbi ah.”


C/raxmaan Cirro ayaa sidoo kale dhaliilay Hogaaminta Madaxwayne Muuse biixi, wuxuuna ku tilmaamay inuu cid gaar ah xigsaday.

Jeegaanta

“Madaxweynuhu cid gaara ayuu madaxweyne u noqdaye , shacabka intiisa kale ma madaxweyne la’aan doonaan , hadii dalka sidaa loosii wadana waxay noqon doontaa jamuuriyadii Muusa Biixi “
“Hadii mucaarida dayadu hooseeysay tudhaalaa nagu jiraye hada halkii aad tabeyseen waan buuxin doonaa insha allaah ” Ayuu yidhi Gudoomiye Cirro.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.