Fadhiid Saylici oo reer Awdal waxba ku soo kordhin iskudir iyo qabyaalad mooyee ayaa Muuse Biixi boodhka ka jafay kadib markii jabhad ka dilaacdey gobolka. Ujeedada Saylici dib loogu direy Awdal ayaa ah sidii loogu qaybin lahaa lacag raggii ka sii muuqdey jabhada Cawaale.
Wararka ka soo baxaya gobolka gaar ahaan aaga degmada Dilla ayaa sheegaya in ay kala jabeen raggi jabhadda waday kadib markii ay soo gaartey waxoogaa lacaga oo loogu soo dhiibey caaqilada beesha reer Nuur.
Waxa kale oo Muuse Biixi balan qaaday inuu wax ka qabto tabashada beesha reer Nuur ee Wajaale inkastoo taasi beentahay oo Muuse Biixi bedeli karin sida lagu yaqaan.
”Wax cusub maaha marka Awdal hadasho in kiish lacaga laga Hargeysa halkaasna loo qaybiyo odayada beelaha ayuu yiri Xuseen Warsame oo ka faalooda siyaasada gobolada Woqooyi tana taas ayay qayb ka tahay.
Waa marki labaad ee fadhiid Saylici oo reer Awdal ku qasaareen qasatan intii codka sida qabaliga ugu ridey uu booqasho ku tago aaga degmada Dilla oo jabhadda kala jabtey qoriga ku qaadatey.
Warbixintii Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay