X

Muuse Biixi oo sheegay inuu laysanka kala noqday shirkada xiriirka maraakiibta Itoobiya

Horjoogaha maamulka Somalilaan Muuse Biixi oo baryahan ku mashquulsanaa raafka Oromada ayaa maanta sheegay inuu ruqsadii kala noqday shirkada xiriirka maraakiibta ee Itoobiya. Shirkadan ayaa sheegtay usbuucii hore in markab ay leedahay ku soo xiratey dekeda Berbera.


U qaabilsanaha Muuse Biixi arimaha ganacsiga oo warqada ku saxiixnaa ayaa sheegay inay shirkada adeega isku xidhka maraakiibta ay laysankii kala noqdeen, waxay ku eedeeyeen inay keeneen dekedda Berbera shirkada Itoobiyaanka ayagoon la soo marin Muuse Biixi.

Shirka xiriirka Maraakiibta Itoobiya ayaa saldhigoodu yahay Jabuuti oo inta badan ay Itoobiya uga soo degto maciishadaha kala duwan. Welli wax wara kama so bixin shirkadaas.


Shirkadan ayaa dhawaan soo iibsatey qalabka dekedaha inkastoo Itoobiya ayna lahayn deked laakiin ay rabto inay kiraysato dekedaha Somaliya ee faraha badan. (Sawirka hoose)

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.