Wednesday, May 8th, 2024
header










Meta







Muuse Biixiyoow, ma xabaalahaa kuu codayn doona, hadduu……?

Labadii –ilaa- sadexdii maalmood ee u danbeeyay, waxaa magaaladda burco ku sugnaa wafti uu horkacayo Murashaxa madaxweyne ee xisbiga kulmiye iyo raxan wasiiro ah oo uu ka mid yahay wasiirka madaxtooyada, Mr. Maxamuud Xaashi Cabdi, kuwaasoo

qabanayay xaflado iyo shirar doceedyo siyaasadeed oo lagu xodxodanayo qabaailka dega Gobolka Togdheer, taasoo salka ku haysa dad iyo cod urursi ku aadan doorashada madaxweyne ee soo socoto. Xafladahan oo lagu kharash garanayo dhaqaale badan oo ah

cashuurtii umadda looga qaaday in wax loogu qabto, iyadoo waqtiga iyo sebenka maanta taagan ee abaarta ahina uu yahay mid daran oo aan u roonayn dadkii ku dhaqnaa gobolada bari.

Labada arimood ee dad badan isu qaban waayay ayaa ah, abaarta saamaynteedu daran tahay ee dhulka xafladahaas lagu qabanayo ka jirta, iyo xukuumadda iyo xisbul-xaakimkeeda oo ku mashquulsan olole siyaasadeed oo aan waqtigiisii joogin, dhaqaalihii dadka

dhibaataysan wax logu qaban lahaana xaflado siyaasadeed ku maamulanaysa, tusaale ahaan, Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga KULMIYE, Mr.  Muuse Biixi Cabdi, mar uu shalay ka qaybgalay munaasibad abaaraha laggaga hadlayay ayaa wuxuu ku yaboohay

lacag dhan $ 40.000 oo yidhi abaaraha ayaanu ugu talo galay, halka ay ilo xogogaal ahi ii xaqiijiyeen in sadexdii casho ee u danbeeyay in lacagta ololaha iyo xafladaha siyaasdeed loo isticmaalay ay gaadhaysay  $ 270.000, taasoo lix jeer ka badan inta ay

abaarta ugu yabooheen, tanina, waa arin muujinaysa in Muuse Biixi iyo Xukuumadda Siilaanyo-ba ay helitaanka kursigu kala qiimo badan tahay le’ashada dadka, iyadoo xaalkoodu u muuqdo lax dhukani Abaar ma oga.

Caqliga wanaagsan iyo damiirka ay damqashadu ku danbaysaa, ma ahan maalin uu ka fekeri karo kursi iyo madaxtinimo, ee waa maalin uu waxkastoo agtiisa qiimo ku lahaa ka horaysiin lahaa gurmadka iyo badbaadada dadka, Waxaanan leeyahay, MUUSE

BIIXIYOW, Goboladda Bari xaflado iyo temeshlayn-siyaasadeed  uma baahna maanta,  ee waxay u baahan yihiin badbaado iyo Samato-bixin, iyo cid si daacad ah ula wadaagta dareen ahaan iyo ficil ahaanba waayaha ay qabaan ee korkooda ka muuqda. Tan

kale, ruux noolbaa codeeya’e, mid dhintay ma codeeyo, ee haddii aanad ka nool maanta badbaadin, ma xabaalaha ayaa ku coddeyn doona hadduu dadku madho, yaadse, xukumi doontaa ma qubuuraha?.

Gebagabadii, Waxaan leeyahay, haddii aydaan umadda waxba taraynin, kala taga dhibaatadiina iyo ku digashadiina.

Qalinkii: Hussein-lucky Mohamed Mohamoud,

Burco, Email, husseinlucky@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan ARAABINEWS

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...