Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Muxuu isku casilay Ridwaan Xaaji oo afhayeen u ahaa raiisal wasaaraha Somaliya

Ridwaan Xaaji wuxu ka mid ahaa wariyeyaasha xafiiska raiisal wasaaraha isagoo shaqada bilaabey xilligii raiisal wasaare Saacid siina waday Cabduwelli Sheekh Axmed waxase sheekadu isbedeshay markjii ina C/rashiid Sharmaake shaqada markale dib loogu soo celiyay.

Nin ay si dhow u soo wada shaqeeyen Ridwaan, ayaa sheegay inuu xilka isaga casilay dhaqaalo xumo, xilli muddo dhowr bilood ihi aynaan wax mushaaraad ihi qaadan Shaqaalaha Dowladda Somaliya.

Ninkaan oo inaga codsaday inaan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan, ayaa yiri “Sida aad la socotaan Shaqaalaha Dowladda ma qaadan wax mushaaraad ah in ka badan afar bilood, Ridwaan Xaaji C/weli wax kale iskuma uusan casilin ee lacag la’aan ayuu meesha kaga tagey.”

Markale, ayuu yiri “Waxaa lagu yeeshay lacago badan oo Hotelkii uu deganaa ah, wuxuu deganaa Ambassador Hotel oo ku yaala Isgoyska Taleex ee Degmada Hodan, waxaa intaas dheer inuu waayay shidaal uu ku shubto gaarigiisii.”

Waxa uu intaa ku daray “Wax badan ayuu Ra’iisal Wasaaraha kala hadlay inuu lacag la’aan yahay, Ra’iisal Wasaarahana wax dheg jalaq ah uma siinin. Marka taasaa u sabab ah inuu xilkii iska casilo.”

Waxa dad badan ka yaaban yihiin iyadoo shaqaalihii hore loo waayay lacag in wali ay qoranayan shaqaale kale.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...