Allaha u naxariistee waxaa caawa Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose lagu dilay Nabadoon Maxamed Aadan Nuur (Maxamed Carabey) oo ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka ee Degmadaasi.
Laba nin oo bistoolado ku hubeysnaa, ayaa Nabadoon Maxamed Aadan Nuur ugu galay hoyga uu ka degan yahay Waaxda 21-ka Oktoobar, iyagoona xoog guriga ugala soo baxay.
Labadaasi nin, ayaa waxay Nabadoon Maxamed Carabey ku toogteen afaafka hore ee hoygiisa, iyagoona rasaas badan ugala dhacay madaxa, feeraha iyo caloosha, kuwaa oo dilka ka dib u suurta-gashay in ay goobtaasi ka cararaan.
Madaxa Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa sheegay in uu maqlaayay rasaastii lagu dilay Nabadoon Maxamed Carabey, isla-markaana ay hoygiisa gaareen ciidamada ammaanka, xilli ay baxsadeen dembiilayaasha.
Cumar Maxamed Cilmi (Cumar Carabey), ayaa sheegay in xilligan uu socdo hawlgal lagu boodigoobayo labada nin ee dilka gaysatay, oo uu ku eedeeyay in ay ka tirsan yihiin mintidiinta Ururka Al Shabaab.
Cumar Carabey, ayaa sidoo kale sheegay in Nabadoonka la dilay si wayn looga garanaayay Degmada Afgooye, dadkuna ay ka naxayn tallaabada guracan ee caawa lagu dilay.
Shabaabka hubeysan ee dagaalka ka wada Somaliya, ayaa waxaa muuqata in bishan Ramadan ay kordhiyeen weerarada ay ka gaysanayan Magaalooyinka Wadanka.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay