12/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Nayjeeriya oo dib u magacowday tababare Keshi markii sadexaad iyo waxaan u baahanahay isku duubni

Abuja–Xulka qaranka ee kubada cagta ee Nayjeeriya ayaa markii sadexaad loo magacaabay tababare Stephan Keshi oo sanadkii hore ku guuldaraystay in uu Nayjeeriya gaarsiiyo ama u soo saaro ciyaaraha koobka Afrika. Tababaraha ayaa sheegay in aanu isagu lahayn xulka qaranka ee ay tahay wax lawada leeyahay.

Tababare Keshi ayaa mar ay eryeen ururka kubada cagta ee Nayjeeriya markaasoo madaxweynihii hore Jonathan uu soo farageliyay.

Xiriirka dadka iyo xulka qaranka ayaa xumaaday iyadoo uu jiray buuq ku saabsan. Tababaraha ayaa codsaday in la taageero xulka qaranka oo la iska ilaawo isqabqabsi.

Nayjeeriya ayaa ciyaaraha sanadkan ku beegan Masar oo todoba jeer qaaday, Tansaniya iyo Chad oo ah xulal aad u adag.

ARABINEWS