X

Nin aan 9 bilood mushahar ku leehay ayay dib noogu soo celiyeen: dhame Raage

Dhame Cabdi Cali Raage wuxuu ka tirsanaa ciidanka asluubta muddo 46 sano ah wuxuuna ciidanka ku soo biirey sanadii 1972. Waxase uu cabasho ka muujiyay Bashiir Goobe oo markii labaad loo magacaabay xilka taliyaha asluubta.



Cabdi Cali Raage oo la hadlayay idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in uu Bashiir Goobe ku leeyahay mishahar 9 bilooda oo isugu Jira gunooyin iyo raashin.



Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada kale ee dawladda aysan kala sineyn mushaar ku qaadashada darajooyinka maadaama iyaga Saraakiishooda iyo ciidamada intaba ay isku mushaar yihiin.

Waxaan rabay inaan cabashada u gudbiyo Goobe shalay laakiin ayna ii suurtagelin maadaama madaxda oo dhan at isku meel joogeen.



Ku tumashada xuquuqda ciidanka ayaa aad u baahsan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.