Dhacda aduunka la yaabisay ayaa shalay lagu arkey dalkaasi Hindiya ee dadkiisu dhaafeen kuwa Shiinaha tirada badnida aduunka, markii la arkey Nin la lugaynaya xaaskiisa oo geeriyootey.
Ninkan oo qoys danyara ka dhashay ayaa xaaskiisu u geeriyootey cudurka qaaxada ama TB sida afka qalaad lagu yiraa, waxana lagu yiri qaado oo aaso.
Ninkan ayaa codsaday in la siiyo gaadhi gurmada Si uu tuuladiisa u gaysto halkaasna loogu aaso, wuxuuse sheegay in laga diidey, taasina Ku qasabtey in uu soo qaato xaaskiisa Una soo lugeeyo tuuladii ay deganaayeen.
Wuxuu kaloo sheegay in uu waayay cidkale oo caawisa, aakhirkiina qaatey talaabadan.
Saxaafada Hindiya ayaa wax ka qortey arintan waxase ka darneyd saxaafadaha caalamka oo ka yaabay darxumada taala Hindiya.
Waxa ninkan iyadna la soo lugeysay gabadhiisa oo lagu sheegay 18 jir, waxaanad is waydiin kartaa dhibka Iyo murugada intaas leeg ee qabsatey qoyskan danyarta ah.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS


Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay