X

Nin ilaalo u ahaa boqor Salmaan oo la diley

Nin muddo dheer ilaalo u ahaa boqorkii hore ee Sucuudiga Cabdulah iyo midkan hadda ee boqor Salmaan ee gacantiisa ku baxeen boqolaal masaakiinta oo reer Yamana ayaa la diley. Dilka ninka lagu magacaabo C/casiis Al-faqam ayaa lagu sheegay muran soo Kala dhexgalay ninka diley.


Waxa dilku Ka dhacay magaalada xeebta ah ee Jiddah. Warka ay qortey wakaalada wararka ee Sucuudiga ayaa lagu sheegay in ninka dilka gaystey uu joogey guri uu soo booqdey marxuunku kadibna waxa yimi is af-dhaaf ayna sheegin wuxuu yahay.

Muran dabadeedna uu gacanku dhiigluhu guriga Ka baxay lana soo noqdey qori kadibna toogtey marxuunka, dhaawacna u gaystey ninkale iyo shaaqiyad Filibiin u dhalatey.


Waxase hadda cadaatey in dilka laga soo amrey Isla madaxtooyada Sucuudiga. Ehelada ninka ilaalada u ah boqorka ee la diley  ayaan  ku qancin warka ka soo baxay boqorka ee sheegaya in la diley. Waxa dabadeed yimi goobta askar oo isku dayay inay qorifa ka dhigaan wuuna diidey, is rasaaseyn kadib ayaa goobtii lagu diley.

 

Dilka C/casiis oo muddo dheer ahaa ilaalada labada boqor ee kala dabeeyay ayaa looga xumaadey. Waxay isku raaceen inuu ahaa shaqsi shaqadiisa sidey tahay u guta.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.