Thursday, May 9th, 2024
header










Meta







Nin isku daldalay xaafada Masalaha ee ka tirsan Hargeysa iyo sababta oo la sheegay yaase garaacay

Xaafadda Masallaha ee duleedka koonfureed ee Caasimadda Hargaysa ayaa lagu arkay Nin is Daldalay oo iska soo laaladiyay Geed qudhac ah oo ku yaalla xaafadaasi .

Ninkan oo aan illaa haatan aan la garan cidda uu yahay iyo magaciisa toona ayaa saaka Barqadii isku daldalay Geedkaasi .

Mid ka mid ah goob joogyaashi halkaasi ku sugnaa ayaa warbaahinta u sheegay In ninkan uu saaka is daldalay isla markaana ay caruur iyo dumar si kadis ah ula kulmeen ninkan oo ka soo laalaada Geedka , naftuna ay ka baxday .

Sidoo kale goob joogahan wuxuu sheegay in ninkan ay lugihiisa ka muuqdeen dhaawacyo aan la garan karin halka ay ka soo gaadheen kuwaas oo sababay in dhiig badani ka daato  .

Geesta kale, Ruux kale oo isna ku sugnaa isla goobtan uu ninku isku Daldalay ayaa sheegay in uu ninkan wajigiisa aqoonsaday oo uu dhawaan uu xanuunka dhinaca dhimirka ahi ku dhacay wallow aan la xaqiijin karin hadalka Goob joogahaasi  .

Ninkan is daldalay, ayaa is daldalaaddiisan u isticmaalay Macawis uu isku tidcay isagoo isku soo xidhay laamaha kuwa ugu sareeyaa ee geedkaasi .

Ugu danbeentii, Ciidamada booliska ayaa goobta soo gaadhay iyagoo maydkii goobta ka qaaday.

Si kastaba, maahan markii ugu horreysay ee magaalada Hargeysa uu qof isku dal-dalo, balse bilooyin ka hor waxa dooxa way nee magaalada Hargeysa isku dal-dalay Nin ganacsade ah.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...