05/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Nin ka tirsan kooxda Daacish oo war looga dhigey in uu is qarxiyo iyo farxad uu ka qaadey jaahilnimadiisa: SAWIRO

Jaahil ka tirsan Kooxda Daacish ayaa loo sheegay in uu nasiib u yeeshay in uu noqonayo qofka ugu horeeya ee is qarxinaya, waxaana durba dagaalyahankan uu muujiyay dareen farxadeed iyo sida uu u doonayay in uu is qarxiyo.

Muuqaal ay soo bandhigtay argagixisada Daacish ayaa lagu muujiyay ninkan oo ku faraxsan una dabaal dega in uu nasiib u yeeshay in uu fuliyo natii halignimo ah, waxa uuna ninkan xabadka galiyay isaga oo dhoola cadeenaya dagaalyahano kale oo katirsan Kooxda Daacish.

Ninkan katirsanaa Kooxda Daacish ayaa sidoo kale loo diyaariyay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku filan lahaa weerarka is haliga ah, ninkan ayaan ka muuqan wax naxdin ah uu ka qabo in uu dhinto isna qarxiyo.

Dad badan oo daawaday Muuqaalkan ayaa layaab ku tilmaamay in uu qof u dabaal dego fulinta weerar nafhaliga, waxaana dad badan ay rumeesan yihiin in raga is qarxiya loo sheego waxyaabo badan oo qaluubtooda roga.

lecte_2[1]

lecte_1

lecte_2

lecte_3

lecte_4

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

Share on Facebook

Nagala Soo Xiriir