Muqdisho–C/laahi Sheekh Axmed oo la dhashay Madaxweynihii hore ee Somaliya Shariif Sheekh Axmed, ayaa waxaa xalay lagu dhaawacay Magaalada Muqdisho, iyadoo ay hoygiisa ku weerareen rag bistoolado ku hubeysnaa.
Dhacdadaan, ayaa ka dhacday xaafada Jamhuuriya ee Degmada Kaaraan. Waxaana la tilmaamay raggaasi dhowr xabadood inay kaga dhufteen qaybaha kore ee jirkiisa.
Raggii dhaawaca geystay, ayaa la soo sheegayaa in meyd ahaan kaga taggeen C/laahi Sheekh Axmed, laakiin dib laga ogaaday in dhaawac uu yahay, waxaana lagula cararay Isbitaalka Digfeer ee Degmada Hodan.
Laamaha ammaanka oo gaaray halka uu weerarku ka dhacay, ayaa ku guul dareystay in gacanta ku soo dhigaan dembiile-yaasha, oo lala xiriirinaayo mintidiinta Ururka Al Shabaab.
C/laahi oo muddo ka hor ka soo laabtay dalka South Afrika, ayaa waxa uu xilligaan la shaqeynaayay Hay’adda Tika, oo Turkiga laga lee yahay. Tika waxay hawlo gargaar ka wadaa Magaalada Muqdisho.
Warar kala duwan, ayaa ka soo baxaaya marxaladda dhabta ah ee C/laahi uu ku sugan yahay. Wararka qaar waxay sheegayaan in dhaawaciisu uu yahay mid halis ah, halka wararka kalana ay sheegayaan in dhaawaciisu yahay mid dhexe, isla-markaana ay xaaladiisu degan tahay.
Dhakhaatiirta Turkiga ee gacanta ku haaya Isbitaalka Digfeer, ayaa la tacaalaya xaalada caafimaadeed, ee ninka la dhashay Hogaamiyihii hore ee Somaliya.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS