X

Ruushka oo ka aargoosanaya Yuhuuda oo ku gabatey diyaarad laga soo ridey

Ruushka ayaa ka aargoosanaya Yuhuuda oo ku gabatey diyaarad Ruushku leeyahay oo ciidanka cirka ee Siiriya si qaldan u soo rideen.


Ruushka ayaa sheegay sababta diyaaradan oo ay saarnaayeen 15 ruux ay u soo rideen ciidanka difaaca Cirka ee Siiriya ay tahay ayagoo gantaalaha ku wada diyaarado Yuhuudu leeyahay oo weerar kaga soo qaaday dhinaca badda, qumaati hoosana ku socda.


Yuhuuda ayaan welli ka hadlin laakiin had iyo jeer tiraa kama hadalno arimaha dibeda ama ficilada ay ka fuliyaan Siiriya iyo dunida Muslimkaba.

Ruushka ayaa sheegay in diyaaradaha Yuhuudu gabaad ka dhigteen diyaarada Ruushka ee ku socotey saldhiga Ruushku ku leeyahay galbeedka dalkaasi Siiriya sidaana uay ugu dhaceen gantaalaha difaaca Siiriya.

Ruushka ayaa u yeeray safiirka Yuhuuda, waxayna u sheegeen inay xaq u leeyihiin inay talaabo ka qaadaan.

Hadalka Ruushka ayaa ka dhigin in Yuhuud dambe soo weerari doonin Siiriya oo la sugayo.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.