Tuesday, May 14th, 2024
header










Meta







“Ninka Hargeysa Joogaa dan Laascaanood ma wado ee jeebkiisuu u Joogaa

Maayarka degmada Laasaanood Md Cismaan Saleebaan Jaamac, ayaa eedo kulul dusha kaga tuuray siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolka Sool ee ku jira xukuumadda madaxweyne Siilaanyo.

Maayar Jaamac oo ka hadlayey munaasibad lagu daah furayey mashruuc tamarta cadceeda lagaga hirgelinayey waddooyinka degmadaas, ayaa   niyadxumo ka muujiyey horumar laga hirgeliyo Laascaanood, waxana uu sheegay inaan loo midaysnayn  ka midho dhalinta yoolka ay degmadu higsanayso.

Waxa uu guddoomiyuhu sheegay in xubnaha deegaankaas kasoo jeeda ee xukuumadda ku jiraa aanay diyaar u ahayn inay xuquuqda degmada Laascaanood soo qaadaan,“Laascaanood, ganacsatona ma leh, jaaliyadna ma leh oo dad ilaahay iska uuntay weeye, dawladda kuwa inoo joogaana waxba inoo soo qaadi maayaan oo  waxba inooma goyn karaan.” Ayuu yidhi guddoomiye Jaamac Yaasiin.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa si cad u sheegay in xubnaha reer Laascaanood ee Hargeysa joogaa yihiin qaar buuxinta jeebkooda oo kali ah halkan u jooga, isla-markaana hilmaansan xuquuqdii deegaankoodu ku lahaa, waxana uu yidhi,“Ninka Hargeysa joogaa dantiisa iyo Jeebkiisuu u joogaaye Dan laascaanood uma joogo, Kursigiisa wuu ilaashanayaa, siyaasadiisa gaar ahaaneedna cid buu ugu xidhan yahay.”

Xubnaha dhalasho ahaan kasoo jeeda deegaanada gobolka Sool, ayaa  qaarkood waxa ay xukuumadda ka hayaan xilal muhiim ah, balse inta badan waxa lagu dhaliilaa inaanay u hagar baxsanayn inay waxqabadka xukuumadda iyo horumarkaba gaadhsiiyaan deegaankaas oo dalka intiisa kale ka dambeeya.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...