X

Ninkii naftiisa ku haligey huteel Jasiira oo noqdey nin Jarmal loola cararay burburkii laakiin abaalgudkii noqdey sidan

Wakaalada wararka ee Rueters ayaa warbixin ka qortey ninkii isku qarxiyay huteel Jasiira kaas oo galaaftey khasaare nafeed iyo mid hantida…Xasuuqa uu gaystay ayaa waxa sheegtay kuna faanay argaixisada shabaab oo iyagu isqarxin waayay laakiin dhalinta caqligoodu ku filneyn diina wax ka ogeyn adeegsada. Ninkii ayaa lagu ,magacaabay Cabdirisaaq Buux wuxuuna joogayay wadanka burburey ee Liibiya kadibna waxa martigelisey Jarmalka oo la dhiibey.

Sargaalka u Hadley sirdoonka oo la qariyay magaciisa ayaa Wakaaladda Reuters u xaqiijiyey in Abdirisaaq Buux uu ku dhashay dalka Libya waxa uuna tilmaamay inuu wada isticmaalaayay Laba Baasaboor oo kala ah Somalia iyo Libya.

Baaritaanka ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in ruuxaasi uu dhashay sanadka markii uu ahaa 1985 isaga oo ku noolaa magaalada Bonn ee dalka Jarmalka.

Sawirka iyo Magaca naftii haligahaasi ayaa waxaa lagu ogaaday baaritaan lagu sameeyay dheecaanka DNA.

Abdirisaaq Buux ayaa Sanadkii 2009-kii laga celiyay inuu ka dhoofo Jarmalka, kadib markii looga shakiyay inuu doonayay inuu ku biiro kooxaha Islaamiyiinta ah.

Rashid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM

 

admin:

This website uses cookies.