Hay’adda sirdoonka Somaliya ee loo soo gaabiyo NISA ayaa sheegtay argagixis deganaa Muqdisho oo fuliyay xasuuqyo farabadan in laga qabtey ummada. Hay’adu ma sheegin magaciisa.
“Hawgal saacado qaatay oo si taxadar leh loo qorsheeyay, kana dhacay agagaarka bar xanibaadkii hore ee Afgooye magaalada Muqdisho, ayaa lagu soo qabtay xubin kooxda gaaleynta Muslimiinta ka tirsan oo ahaa khabiir dhanka qaraxyada, habeennimada 27-ka September, hawlgalka cidi wax kuma noqon, nagu garab istaag ka hortaga cadowga”. ayaa warqoraaleed ay ku sheegeen. l
Ninkaan la soo qabtay lama soo bandhigin sidoo kalena lama hayo magaciisa, balse taliska NISA ayaa shaaciyay in la qabtay, hadana uu ku jiro gacanta dowladda.
Hay’adda ayaa sii xoojisay dadaalka lagu dabargoynayo argagixisada oo fuleynimadooda ku dhexjira dadka goobjoogna ka ah goobaha ay qarxinayaan.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay