X

Noo keen hal aayad oo ka hadlaysa gudniinka ama hal xadiis oo saxiixa: Caalim Masri ah

Caalim Masri ah oo ka jawaabay su’aalo la xiriira gudniinka oo hablaha Masaarida laga joojiyay muddo hore laakiin welli qarsoodi ah loo jarjaro jirkooda ayaa sheegay inayna jirin hal ayad oo ka hadlaysa gudniinka.


”Noo keena hal aayad oo ka hadlaysa in gabdhaha jirkooda la jarjaro ama waxa ay ku sheegaan sunne ayuu yiri Maxamed Khudri. Ma noo keeni kartaa hal xadiis oo saxiixa ayuu raaciyay.

Waxaad is weydiin kartaa maxaa rasuulkeeena SCW u amri waayay in la guddo gabdhihiisa ma jirto mana amrin marka waa dhaqan jeebka lagala soo baxay oo aafeeyay malaayiin gabdhaheen ah.


Wadamada Musimiinta oo Somalidu kow ka tahay iyo siiba kuwa Afrika iyo qaar ka mida bariga dhexe sida Kurdiyiinta ayaa jarjara gabdhaga yagoo u nisbaynaya diinteena oo aan haba yaraatee wax shaqo ah ku lahayn.

Rashiid Ceeelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.