03/05/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Norway oo sheegtay inay qoxooti Somali ah soo celinayso

Norway ayaa sheegtay inay qoxooti Somali ah soo celinayso. Qoxootiga la soo celinayo ayaa waxa u badan dad la ogaadey inay Somaliland ka yimaadeen laakiin isku dhiibey Koofurta dalka kadib markii muddo baaritaan ku socdey.

Waxa go’aanka dawlada Norwey ka horyimi hay’adaha u dooda xuquuqda dadka magangalyo doonka. ayagoo ku doodey in Somalidaan lagu celin Karin dal aan amni jirin.



Norway ayaa dhinaceeda ku doodeysa in Soomaaliya hadda waa nabad oo ma jirto baahi ay qaxootiga u sii joogaan dalkeeda.

“Macquulna ma aha in dowladda ay u mar-marsiyooto celinta qaxootigaasi, taasi oo ka hor imaaneysa xeerarka caalamiga ah ee qaxootiga.”



“Dawladda Soomaaliya ma sugi karto ammaanka dadkan, sidaasi waxaa yiri mid ka ah la-taliyeyaasha hay’ada amagangalyo doonka ee dalkaasi Norway André Møkkelgjerd.

Somaliya ayayna ka jirin dawlad adag oo amniga hanankarta waxana bedelkeeda jira deegaano badan maamul jufooyin aan tayo lahayn laakiin ku nool lacagta yar ee taala deegaanka ay maamulaan.

Waxa Iyana Meesha ka maqneyn khatarta weyn ee kooxda gaalaynta Muslimiintu ku hayso shacabka iyaga oo maalinkasta daadiya dhiiga iyo hantida Somalida.



Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS