Sunday, May 19th, 2024
header










Meta







Oday Hindiya ku nool oo 180 Jira oo sheegay in geeridu ilowday

Waxaa dalka India laga helay qof lagu sheegay inuu yahay ninka ugu da’a weyn dunida inta la og yahay, iyadoo lagu daray Buugga lagu qoro waxyaabaha la yaabka leh ee dunida ee Guinness-ka.

Ninkan oo lagu magacaabo Mahashta Murasi wuxuu sheegtay inuu dhashay sanadkii 1835-kii, isagoo markaas da’diisu noqneyso 180 sano, wuxuu ku dhashay magaalada Bangalore ee Waqooyiga dalka India.
Ninkan cimrigiisu dheeraaday ee ka badan 180 sano waxaa hadda loo heystaa inuu yahay qofka ugu cimriga dheer ee dunida dusheeda la keenay sida Buugga Guinness ku qoran. Wuxuu markiisii hore ahaa nin Kabaha sameeya oo ka ganacsada.
Saraakiisha dalka India ayaa sheegtay in dhalashada Mahashta Murasi la diiwaan geliyay 6-dii Janaayo 1835, ilaa sanadkii 1903 wuxuu ku noolaa magaalada Varanasi, wuxuu ku shaqeysanayay Kabe sameeye ilaa snadkii 1957; markii uu howlgabka noqday waxay da’diisu ahayd 122.
Odayga 180 sano jirka ah waxaa laga soo xigtay ereyo ay ka mid yihiin:
“Waxaan soo noolaa muddo dheer, waxaana iga hor dhintay caruurtii aana awoowaha u ahaa. …. “Geeridu way i ilowday anigu, …. hadda rajo iima harin aan ku dhiman karo… bal fiiriya taariikhda ma jirto cid 150 sano dhaaftay oo sii noolaatay, xitaa wax ka yar 170 sano, mar kasta waxaan aaminaa inaan marna dhiman doonin….!!”
Shahaadada dhalashada odaygan iyo aqoonsigiisa waxay taageerayaan sheegashadiisa ah inay da’diisu tahay 180 sano jir, laakiin weli ma jirto baaritaan caafimaad oo lagu xaqiijiyay da’ad uu jiro Odaygan reer India ah.
Dhaqtarkii ugu danbeeyay ee arka ama xaaladiisa caafimaad eega Mahashta Murasi wuxuu dhintay sanadkii 1917-kii. Waxaan jirin warbixino caafimaad oo ku saabsan noloshii hore ee odaygan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...