Saturday, April 20th, 2024
header










Meta







Oday Turki ah oo ku andacoonaya inuu hayo daawada hargabka Shiinaha

Oday Turki ah oo daawo dhaqameed wax Ku daaweeya ayaa ku andacoonaya inuu hayo daawada cudurka hargabka Shiinaha oo shirkadaha waaweyn ee jaqa dhiiga dadka ay u kala ordayaan inay helaan.

Odaygan oo lagu magacaabo Maxamuud Qaasim oo sheegay inuu hore u daaweeyay oday sadex Kankar isugu biireen ayaa qaba inuu cudurkana daaweyn karo.



Maxamuud Qaasim ayaan isagu welli la kulmin qof qaba cudurka laakiin keliya Ka maqley idaacadaha. “Cudurku wuxuu fadhiistaa sambabada kadibna cunaa, waxaan inta badan daaweeyaa dadka qaba xiiqda, kankarka sambabada iyo need qabatowga, markaa waan ogahay ayuu yiri.



“Mar hadaan daaweeyay kuwa lamida cudurkana waa ln daaweyn karaa. Dawladu ha timaado oo ha tijaabiso daawo dhaqameedka aan isticmaalayo ayuu raaciyay.

Maadaama cudurkan ka qaylisiiyay dawladaha waaweyn waxaan shaki ku jirin inuu Heli doono dad baqsan oo Ka qaata waxa uu hayo.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS