X

Ololaha doorashada Somali galbeed oo xawli u socda mase dhacaysaa doorasho xora

Waxa deegaanada dawlada Somali galbeed si xawliya uga socda ololaha doorashada, waxase dad badan is weydinayaan ma dhici kartaa doorasho xora oo codkii dadku ritey mala siin deyn doonaa??.


”Doorashada Somali galbeed waxa jira hal xisbi oo ku shuban doona waana xisbiga Barwaaqo ee matala maamulka uu hogaamiyo Mustafe Cagjar, waxaanan ognahay in qabiilada qaar ay qaadaceen sida ONLF ayuu yiri Xuseen Warsame.

Waxa jira boqolaal dhalinyaro oo si xora u sharaxan oo haysta taageero xoogan laakiin rajada ay leeyihiin inay soo baxaan waa boqolkiiba 30 waayo waa looga shubanayaa codka.


”Waxaad arkaysaa degmooyinka iyo tuulooyinka in kaadhadhka cod bixinta la sii bixiyay ayna ku qoran yihiin cida ay ugu ridayaan, ayadoo horjoogaha tuulada loo qaadayo mijin qaada ayuu raaciyay Xuseen Warsame.


Waxay noqonaysaa in musharixiintii codka badan lahaa halkaa ku waayaan codkii ay xaqa u lahaayeen. Itoobiya oo xilligan ku jirta qas siyaasadeed iyo cadaadin ugu imaanaysa dawladaha reer galbeedka oo raacsan Tigreega, doorasho xora oo dhacda waa halka ugu dambeysa ee ku jira siyaasadeeda.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.