Waxaa waajib igu ah inan garaaco albaabada sharafta oo weliba si go’aan iyo mabdaba leh, waxaa hadalkaa ku hadlay Cisaam oo wuxuu kelimadahaa ku lahaa nafsadiisa isaga oo si hoose ula hadlaya, una talaabaya wadada dhinac kale, oona ku sii socda shirkada (Tajhiiziyatu-Al cilmiya) si uu uga soo iibsado mikiris-koob iyo alaabo kale kuwaas oo uu doonayay inuu tijaabooyin yar yar uu ku sameeyo, qolkiisa gaarka ah ee uu wax ku akhristo.
Dariiqa wuxuu ku arkay maktabad weyn taas oo ay uga dhex muuqatay buugaan kal du-duwan, waxaa loo rasteeyay buugaagtaas si hagaagsan, wuxuu is ag taagay buugaagtii isagoo eeg eegaya cinwaanada ku qoran buugaagtaa, kadibna wuxuu bilaabay cisaam inuu usii dhowaado buugaagta isaga oo ku qiyaasay inay ka badan yihiin kumanaan mejeledood oo waaweyn,wuxuuna si aad ah ula dhacay qeyb ka mid ah buugaagtaa, wuxuuna ka codsaday cisaam ninkii maktabada hayay inuu usoo dhiibo qeyb buugaagtaa kamid ah, kadibna wuxuu eegay qiimaha ku dulqoran wuxuuna udhiibay lacagtii,wuxuuna qaatay buugaagtii.
Cisaam wuxuu ahaa nin mustaqbalkiisa rejo weyn ka qaba, xaq-baanu u leeyahay arintaasi, maxaa yeelay ilaahay wuxuu siiyay caqli wanaagsan iyo garaad uu ku fahmi-karo wixii mustaqbalkiisa anfacaya ee horumar gaadhsiini kara ooy waxbarashadu ugu horeeyso,
Intaa waxaa usii dheereyd doonis-weyn iyo himad sare iyo go’aan daloolinaya wax kasta oo adag.
In badana arintaa waxaa ku tilmaamay macalimiintiisii intii uu ku ku jiray xiligii ardaynimada aragtida ay Cisaam ka qabeen markay ka waramayeen waxay odhanayeen [Waa mucjiso mucjisooyinka semenka ka mid ah.
Tusaale labo macalin oo mid ah macalimiintiisa iskuulka ee weliba maadada xisaabta iyo fiisigiska u dhiga ayaa waxay ku sharad-tameen in cisaam su’aalo adag la weeydiiyo oo aanu ka jaawabi karin? oo weliba Casharadii uu dhigtay ah!!. dabadeeto su’aalihii baa la weydiiyay kadibna cisaam ayaa su’aalihii si fudud uga jawaabay!! macalimiintii waxay la-fajaceen dadaalka cisaam!!!
Kadibna waxaa muuqatay caqliga cisaam iyo inuu ka sareeyo tacliin ahaan ardeyda fasalka la fadhida, Arintaa kadib ayay macalimiintu waxay bilaabeen inay ku amaanaan cisaam fasalka dhexdiisa, dabadeetana waxay amar ku siiyeen ardayda inay u sacab tumaan caasim oo dhiirigelin ay uga dhigaan.
Iyadoo ay jirtay aqoon badnida cisaam inayna ku koobneyn maadooyinka xisaabta iyo fiisigiska ee waxay aheyd maadooyinka uu dhigto oo dhan,hase yeeshee wuxuu aad u jeclaa maadada cilmu nafsiga ama [Seykoolajiga] taas oo aheyd mid aad usoo jiidata wuxuuna dareemayay marka uu maadadaa dhiganayo farxad weyn.
Iyadoo macalinka maadadaa u dhiga ee cadnaan uu ahaa khabiir cilmu-nafsiga ku taqasusay ayaa wuxuu aad usoo jiidanayay ardayda,taas oo keentay cisaam iyo ardayda la dhigata inay jeclaadaan maadadaa,sidaa si la mid ah ayuu macalin cadnaan ujeclaa cisaam iyo ardayda fasalka fadhida.
Macalin cadnaan markuu arkay aqoonta iyo dadaalka cisaam ayaa wuxuu ugu-yeedhi jiray [Doktoor Cisaam], isaga oo aad u dhiiro gelinaya ardaygiisa cisaam, waxaa mudo kadib hirgashay teytalkii [Doctor, iyadoo ardeyda iyo macalimiintuba ay uga yeedhi jireen teytalkaasi, taas oo gaadhay ilaa xaafadahii iyo dadkii uu la noolaa.
Markii la shaaciyay natiijadaii imtixaankii dugsiga sare waxaa uu teytalkii dhiira gelinta iyo amaanta loo odhanayay isku bedelay teytal u dhow xaqiiqadii, maxaa yeelay?
Wuxuu nasiib u yeeshay cisaam kuliyada caafimaadka oo aheyd kuliyada aad u qiimo badan.
Aad bay ugu faraxday cisaam hooyadii maalintaasi farxad weyn, kadib markuu cisaam u sheegay warkii, waxayna kusoo dhaweeysay farxad, iyadoo farxada la ooyeeysa ayaa waxay tidhi [Hambalyo inankeeygii aan jeclaayoow anuu maanta waxaan ahay hooyada ugu farxada badan caalamka]
Waxay ku cel celisay mabruuk, mabruuk hooyo waxaana indhaheega ku kulmay ilmadii farxada weyneyd iyo ilmadii murugada ay u murugooneeysay odaygeegii ay weeyday ee uu qaatay alllihii lahaa.
Isaga oo aanan nasiib u yeelan inuu arko inankiisa oo gelaya jaamacada caafimaadka, sidaa si lamid a ayuu cisaam u dareemayay xiisahga weyn ee uu aabihii u qabo, kaasoo sanado ka hor u dhintay wadno xanuun kusoo booday.
Waxay ka siibtay xusuustii murugada farxadii weyneyd ee ay hooyadu haysatay, iyadoo dib u celineeysa, waxay xusuustii gaadhsiisay quruxdii maalmihii iyadoo la joogtay odaygeegii geeriyooday iyagoo ku wada caweeynaya beer kamid ah beeraha lagu nasto ee guryaha ku dhex yaala, iyadoo xiligaa cisaam da’diisu ay aheyd seddex sano, isaga oo la ciyaaraya bisadiisa yareyd taas oo uu xoog u jeclaa.
Cisaam hooyadii maskaxdeeda waxaa kusoo noq-noqneysay xusuutii iyo kelmadihii odaygeega ay jecleyd uu ku yidhi xiligaa, isagoo eegaya inankiisa yar ee quruxda badan ee cisaam [ Inankeeygan, heeyfooy wuxuu leeyahay caqli cajiib ah, waxaa waajib inagu ah inan daryeelno, daryeel aad u weyn ilaa uu ka noqonayo nin weyn, oo uu naga qaado culeys weyn maalmaha mustaqbalka ee soo socda.
Cisaam hooyadii heyfaa, waxay ugu jawaabtay maalintaas iyadoo kaftameysa [Waxaan rajeeynayaa inankeeyga hadii uu noqdo injineer weyn inuu noo dhiso fiilo qurux badan oo leh beero iyo ubaxyo] cisaam aabihii oo qosol kaftan uu ku jiro iyo dhoola cadeyn isku daray ayaa wuxuu yidhi [Idinku hadaa dumar tihiin Hamigiinu wa dhal dhalaal iyo wax liita, kama fikireeysaan waxaan filooyin iyo aqalo waaweyn iyo maro qurux badan aheyn] markaa kadibna wuxuu hagaajistay fadhigiisa, wuxuuna sii watay hadalkiisa si degen isagoo leh [Waxaan la doonayaa hooyadii cisaameey inuu noqdo dhakhtar weyn oo caawiya dadka, oo daaweeya kooga xanuunsanayo, kana fudeeydiyo xanuunka haya, gabadheey dhakhtarku wuxuu awood u leeyahay maanta inuu ka dhex muuqdo bulshada oo weliba faraha lagu fiiqo, weliba markuu noqdo weeye nin guuleysta oo caan ah].
Cisaam aabihii oo hadalka sii wata ayaa wuxuu yidhi [Hana iloobin Sowjadeeyda qaaliga aheey, barashada caafimaadka waxay u baahantahay xoolo faro badan taas oo marka dambe xaqiiqa ka dhigi doonta Riyadaada, wuxuuna kuu iibin doonaa guri weyn oo fiila ah kaas oo aad u xiiso qabtid]…
LA SOCO QEYBAHA KALE….
Qoraaga buuga oo Af-carabi ku qoray
DR Ahmed Zaki
Turjume:
Qoraa: Ustaad Asad Muuse Kibaar
Email: asadmuuse03@hotmail.com
Telephone: +252-63-4453653 and +252-65-9294630
Borama – Somaliland
More Stories
Qisada Cumar binu Khadaab iyo haweenay oynaysa oo ninkeedu ka maqnaa
Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda
Heshiiska badda ee Soomaaaliya iyo Turkiga yaa ka naxay ma Axmaarka mise??? XASAASI