X

Prof Axmed Samatar oo hadda u jeestay Koofurta Somaliya :argagixisada waxa looga adkaan karaa ciidan qaran oo la dhiso

Prof Axmed Samatar oo maamulka hadda uu aaminsanyahay aanu jeclayn in la dhiso ciidan qaran oo awoodleh ayaa sheegay in argagixisada shabaab sida kaliya ee looga adkaan karo ay tahay in la dhiso ciidankaas qaran. Wuxuu sheegay in argagixisadu tahay kuwo kolba meel u guura oo daawanaya fursad ka faaiideystaan.

Mar uu ka hadlay ciidanka Amisom ee malaayiinta doolar lagu bixiyo ayuu sheegay in ay wax qabteen laakiin ay u joogaan dalka in ay ka shaqaystaan guryo iyo daaro dhaadheerna ay ka dhisteen dalalkooda,,askar sidaasina ayna diyaar u ahayn in ay deg deg u baxaan.

Prof Axmed Samatar ayaa sheegay in koox kolba meel u guureysa aan si deg dega looga adkaan Karin oo kaliya ay ka adkaan karaan dadka deegaanka. Fikirka Prof Axmed Samatar ayaan ahayn mid cusub iyadoo dadka badankiisu qabaan in ayna jirin dawladii hanan lahayd dalka.

Waxase dad badan iswaydiin karaan isagoo hadda aaminsan in dalka lakala gooyo hadana u ka sheekayno in la dhiso ciidan qaran oo maamulka SNM maamusho ee isagu aaminsan yahay ay iyagu si weyn u diidan yihiin.

Waxa kale oo iyaguna diidan ciidan qaran maamulada Puntland iyo Axmed Madoobe oo ka baqaya in dalku yeesho hanaan wada shaqayn oo xoogleh inkastoo Puntland iyagu rabaan in ay hogaamiyaan siyaasada ciidan ee dalka.

Prof Axmed Samatar ayaa hadda isagu taagan cidla siyaasad ahaan hadalada noocana ayaa dhici karto in uu is leeyashay dib ugu soo noqo saaxada siyaasadeed ee Somalida.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS.COM

 

admin:

This website uses cookies.