Garoowe–Puntland ayaa warsaxaafadeed ka soo saartey fashilkii ku yimi shirkii Turkiga ee dhexmari lahaa dawlada Somaliya iyo maamulka Somaliland (SNM) kadib markii maamulka Somaliland dalbaday in uu farogeliyo xulashada ergada dawlada Somaliya. Warsaxaafadeedka ayaa lagu amaaney nidaamka saxda ah ee ay u maamushey dawlada Somaliya.
Dowladda Puntland waxay taageersan tahay wadahadal iyo wadaxaajood kasta oo lagu raadinayo midnimada ummadda Soomaaliyeed, sidaas darteed Dowladda puntland waxay ku bogaadinaysaa Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya habka cusub ee ay u maamushay wada hadalladii u dambeeyay ee istanbul taasoo ah tallaabo horay loo qaaday.
Dowladda federaalka Soomaaliya waxay xaq u lee dahay inay Xulato cidda u metalaysa wadaxaajoodka iyadoo ku salaynaysa wadatashi Xubnaha federaalka,burburkii ku yimid fadhigii loo ballansanaa waxaa ka masuul ah Maamulka Somaliland oo meesha la tagay shuruudo aan maangal ahayn.
Ugu dambayn dowladda puntland waxay xoojinaysaa in wada hadallada ku saabsan midnimada Soomaaliya loo maro si waafaqsan Dastuurka federaalka Soomaaliya.
Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada Dowladda Puntland.
ARAABINEWS