X

Puntland oo ciidamo mishahar ay u weyday ku wareejisay dawlada dhexe: SAWIRO

Puntland ayaa ciidamo mishahar ay u weyday ku wareejisay dawlada dhexe. Goobta ay ka dhacaysay munaasabada ayaa Waxaa ku sugnaa wasiir u dowlaha gaashaandhiga dowladda federalka.

Sidoo kale taliyaha ciidamada difaaca Puntland, wasiirka amniga Puntland, saraakiil ka socota ciidanka milatariga Soomaaliya iyo guddiga difaaca ee barlamaanka.

Sida la Sheegay Ciidankaan oo gaaraya 2500 oo askari ayaa si r asmi ah uga mid noqon Doona Ciidanka Xoogga Dalka Qaybtiisa 54aad, iyadoona tilaabadaan lagu tilmaamay is dhexgalka ciidanka Soomaaliya.

Masuuliyiinta ka tirsan Guddiga difaaca barlamaanka Soomaaliya oo ka hadlay munaasabada ayaa soo dhoweeyay tilaabadaan waxayna ku tilmaameen Talaabo Wanaagsan oo lagu soo celinaayo Kalsoonida Shacabka Soomaaliyeed.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.