X

Puntland oo hub ka dhigis ku bilaabaysa qaybteeda Gaalkacayo

Puntland ayaa hub ka dhigis ku bilaabaysa qaybteeda Gaalkacayo. Gudddoomiyaha Magaalada  Gaalkacyo ee Puntland  Mudane Maxamuud Yaasin Axmed Tumey ayaa warbaahinta u sheegay in qorshahaasi hada uu diyaar yahay dhawaana lagu dhaqaaqi doono.


Wuxuu sheegay in Saddex bilood gudahood magaaladan aanan lagu arki doonin Qof hub iska wata isaga oo aan aheyn askari sidoo kalena aanan u diiwaangashaneyn Hay’adaha kala duwan ee ka hawlgala magaaladaasi.


Shacabka magaalada Gaalkacyo ayuu ugu baaqay inay la shaqeeyaan Ciidamada ammaanka si ay u hirgasho hawlgalkan cusub ee maalmaha soo socda bilaabanaya.


Gaalkacayo ayaa ka mida magaalooyinka uu amnigoodyu faraha ka baxay mudooyinkii u dambeeyay maadaama ay ka jiraan laba maamul oo fowda ah oo midna kan kale la shaqayn.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.