Puntland oo ku guulaystey in ay fashiliso dabin ay dhigeen argagixisada.
Howl gallo ballaaran oo Ciidamada ka wadeen xaafadaha Boosaaso ayay ugu suura gashay inay gacanta ku dhigeen waxyaabo qarxa oo lagu diyaarinayay guri ku yaal Boosaaso, gaari lagu fulin lahaa iyo shan nin.
Taliyaha Ciidamada Madaxtooyada Puntland ee Boosaaso C/rashiid C/raxiin Ismaaciil ayaa sheegay in waxyaabahan qarxa ay isugu jireen fustooyin iyo waxyaabo kale oo qarax sameeya.
Waxaa uu sheegay in la qorsheynayay in la weeraro saddex meelood, isla markaana marka qaraxyada dhacaan ay rag hubeysan gudaha u galeen, isagoo aan carabaabin halka la doonayay in la weeraro.
Ciidamada Ammaanka Puntland ayaa lagu wadaa in maanta u soo bandhigaan saxaafada ragga lagu qabtay waxyaabaha qarxa iyo faah faahinta howl galkan.
Magaalada Boosaaso ayaa waxaa horay uga dhacay dilal qorsheysan iyo qaraxyo ay sheegatay argagixisada waxaana todobaadyo ka hor Maxkamadda Ciidamada Puntland dil toogasho ku fulisay illaa shan dhalinyaro lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin argagixisada horayna dilal uga geystay Boosaaso.



C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay