11/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Puntland oo soo bandhigtey dambiyadii ka dhacay deegaanadeeda 2017

Puntland ayaa soo bandhigtey dambiyadii ka dhacay deegaanadeeda 2017. Waxa warbixintan diyaariyay xafiiska xeer ilaalinta Guud ee Puntland oo sanad walba dhamaadkiisa soo saara dambiyadii ka dhacay guud ahaan deegaanada



Maxamed Cali Xareed oo ah Ku xigeenka Xeerka ilaaliyaha Guud, ahna ku simaha Xeer ilaaliyaha Guud ee Puntland oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garowe ayaa soo bandhigay dambiyadda ka dhacay Gobolada Puntland.



Dambiyada ayaa gaarayay 3,853 waxana loo kala qaybiyay gobolada Puntland mase sheegin nooca dambiyada ay yihiin.

 Hoos ka fiiri gobol kasta dambiyada la galay

Gobalka Nugaal 173 dambi

Gobalka Bari 982 dambi

Gobalka Karkaar 351 dambi

Gobalka Cayn 677 dambi

Gobalka Mudug 169 dambi

Gobalka Sanaag 70 dambi

Soo akhrintii weriye C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS