X

Puntland oo war saxaafadeed ka soo saartey dagaal saaka ka dhacay Gaalkacayo iyo eedayn ay dusha uga tuurtey Galmudug

War saxaafadeed uu ku saxiixan yahay afhayeenka madaxtooyada Puntland ayaa lagu eedeeyay Galmudug iyo ciidamo lagu sheegay kuwa federaalka in ay qayb ka yihiin dagaalka saaka ka dhacay halkaas. Warsaxaafadaeeda aya loogu shacabka Somaliyeed iyo dariska in wax laga qabto.

Kadib markii maanta oo Sabti ah dagaal culus ka dhacay xarunta gobolka Mudug ee Gaalkacyo ayaa waxaa hadda war ka soo saarey Dowladda Puntland, Soomaaliya, waxaana ay dagaalka iyo gacanqaadka ku eedeysey maamulka Galmudug iyo ciidamo la sheegay in ay u qornaayeen Dowladda Federaalka ah oo xaruntoodu ahayd gobolka Galguduud oo markii u horeysey dagaalka soo galay.

Puntland ayaa sheegtey in ay Raysalwasaaraha Soomaaliya ka oggolaadeen qodobo afar oo uu waan-waantiisu ku saaabsaneydyd, hasey yeeshee markii uu garoonka diyaaradaha u socdey saaakey lagu soo duuley shacabka Puntland ee Gaalkacyo, Puntland hadda iyo wixii ka danbeeya si rasmi ah u difaaceyso shacabkeeda sida lagu yiri warka ka soo baxay Madaxtooyada Puntland.

War-murtiyeedka ayaa lagu sheegay in Puntland weli fursad siineyso waan waanta iyo nabadeynta. WAxay dhinaca kale warsaxaafadeedku taabtey diidmada ku saabsanayd maamulka Galmudug ee Puntland diidanaayeen xagga Galmudug ku doodayaan federal ayaan rabnaa mana rabno Galmudug in ayna is lahayn.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

admin:

This website uses cookies.