X

Puntland oo weerartay ciidan gadoodey iyo khasaare ka dhashay

Puntland ayaa weerartay ciidan gadoodey iyo khasaare ka dhashay. Laamaha amniga gobolka Bari oo ay gacan siinayaan ciidamada ilaaliya Cabdiwelli Gaas ayaa ilaa maqribkii shalay weerar ku qaaday ilaalada Jeelka Boosaaso oo ka gadoodsanaa mushaar la’aan.


Rasaas xoogan oo ilaa xalay soo gaartay ayaa Boosaaso laga maqlayay waxaana ugu dambeyn ciidamadii huwanta u suurta gashay in ay gacanta ku dhigeen Jeelka , iyadoo ciidamadii gadoodsanaa qaarna la qabtay, kuwana ay baxsadeen.


Khasaaraha ka dhashay weerarkaas ayaa inta la hubo ah hal qof oo dhimasho ah iyo mid dhaawac ah, masuuliyiinta ayaa xaqiijiyay in ruuxa dhintay uu yahay maxbuus ku xirnaa Jeelka, oo markii dagaalku dhacay ay halkaas ku xirnaayeen boqolaal maxaabiis ah oo u badan kooxda gaalaynta Muslimiinta ee shabaab iyo Daacish.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.