Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Qaramada midoobey oo qarxisay in 42,000 kun oo Kiiniyaati ah ku nool yihiin xerada Dhadhaab

Hay’ada qoxootiga u qaabilsan qaramada midoobey ayaa shaacisay war ku saabsan dadka ku nool xerada Dhadhaab ee qoxootigu ku nool yihiin.

Hay’ada ayaa sheegtay in qiyaastii dad gaaraya 42,000 oo Kiiniyaana in ay ka diwaangashan yihiin halkaasi. Muwaadiniinta Kiiniyanka ayaa loo sameendoona dib u dejin” “

nidaamkaas oo qayb ka ah dadaal ballaaran oo ay hay’adda qaxootiga ee Qaramada Midoobay ku dooneeso in la yareeyo dadka qaxootiga ee ku jira xeeryaha Dhadhaab taasoo ay ku damacsanyihiin in 343,000 qaxooti laga soo reebo 193,000 dhamaadka sanadkan.

“Waan ka warqabnaa Kiiniyanka sida beenta ku diiwaangashan sidii qaxootiga ay uga helaan adeegyo lacag la’aan ah iyo cunto,” ayuu yiri afhayeenka hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada midoobay Duke Mwancha oo la hadlayay warbaahinta .

Xukuumadda Kenya ayaa ku baaqday bishi May in ilabaabada loo laabo xeeryaha qaxootiga iyagoo ku andacoonaya inay khatar ku tahay ammaanka dalka.

Mas’uuliyiinta Kiiniya aya wada tashi la galay qaramada midoobay iyo dowladda Soomaaliya, si ay heshiis u wada saxiixdaan oo lagu celinayo qaxootiga.

Qaramada Midoobay ayaa weydiisanaya deeq bixiyayaasha caalamka inay bixiyaan deeq dheeraad ah oo dhan $ 115.4 milyan si ay u fuliyaan barnaamijka lagu heshiiyey ee dib u dejinta qaxootiga iyo dib u celinta

Codsiga cusub ayaa ka daba imaanaya iyadoo $ 110 million hay’adda qaxootiga sannadkii hore u aragtay in loo baahanyahay si ay uga caawiso in ay ku maalgaliso – dib u celinta qaxootiga Soomaalida si ay dhulkooda hooyo ugu noqdaan, laakiin keliya $ 7.2 million oo ah lacagtaasi ayaa la aruuriyay tan iyo bishii la soo dhaafay.

Si kastaba iyadoo qaxootiga Dhadhaab la yareen doono , ayaa hadana tirada dadka qaxootiga ee kusii qulqulaya xeerooyinka kale ee Kiiniya ,sida Kakuma, ayaa si joogto ah sii kordhaya iyada oo kumanaan reer konfurta Sudan ka qaxayaan ay sii kordhin doonaan qorshaha ku xusan Qaramada Midoobay.

Qaar ka mid ah 16,000 qaxooti aan Soomaali aheen , oo u badan Itoobiyan, ayaa loo rari doona kakuma kuwaaso laga qaadayo Dadaab sida ay sheegeen Qaramada Midoobay.

Kudhawaad 15,000 oo qaxootiga Soomaalida ah oo sugaya dib u dejinta ee dhulkooda hooyo ayaa sidoo kale loo wareejin doona Kakuma oo laga qaadayo Dadaab,

Hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay ayaa qorsheenaya in ay celiyaan 50,000 qaxooti dheeraad ah xeerada Dadaab sanadkan.

hay’adda qaxootiga ayaa saadaalineesa in 170,000 qaxootiga deegaanka Dhadhaab si iskood ah ugu noqonayaan Soomaaliya sanadaan 2017, waxaana suurto gal ah in mudada ay gaari doonto ilaa sanada 2018.

Wadar ahaan 17,000 qaxootiga Soomaalida ee ku noolaa xeeryaha qaxootiga ee Dadaab ayaa dhulkoodi hooyo ku noqdeen tan iyo markii uu bilaabmay barnaamijka dib u celinta laba sano ka hor .

UN waxa “ka go’an in ay hubiso in dhammaan dadka laabanaya ay iskood u noqonayaan iyadoo si xurmo leh , amaankoodana la ilaalinayo muhiim tahay mar walba,” ayay sheegtay agaasimaha hay’add qeebta Africa Valentin Tapsoba.

“Si taas loo sameeyo waxaan ka codsanay beesha caalamka ee deeqbixiyayaasha in ay na taageeraan si qaxootiga ku laabanaya Soomaaliya ay dib dalkooda ugu laabtaan iyagoo helaya fursadaha ugu fiican ee suurto gal ah in ay naftooda iyo qoysaskoodaba si nabadd iyo xasilloonida dib-ugu dhistaan dalkooda .”

Soo akhrintii C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...