X

Qarax argagixisadu dhigtey meel derbiya oo qarxay Muqdisho iyo waxyeelo jirta

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax ay argagixisadu dhigtey meel dadku fadhiisto oo derbiya ayaa waxa la sheegayaa inay ku dhaawacmeen laba qof. Argagixisada ayaa meelkasta ku aasta miino si shacabka inta ay gaalaysay u dhintaan.


Ma jirto cid ku dhimatey waxa kaliya ku dhaawacmey laba qof oo la garanayn inay yihiin kuwii aasay miinada. ā€¯Sidaan u fadhinay ayay nala kacdey ILAAH NOOMA QORINE dhaawac ayaa naga soo gaaray ayuu yiri goobjooge.


Argagixisada ayaa kordhisay xasuuqa ay ku hayso dadka Muslimiinta ee ay gaalaysay, waxayna ilaa hadda marayaan ku dhawaad 120 inta ay xasuuqeen iyo naafeeyeen labadii bilood ee u dambeeyay, marka laga reebo hantida oo aan tiro lahayn.

Ciidamada amniga oo gaaray goobta ayaa baaritan ka sameeyay mana jirto cid loo qabto, qaraxan ka dhacay xaafada Wardhiigley.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.