Wednesday, March 22nd, 2023
header










Meta







Qaybtii 2: is dhexgalka dumarka iyo ragga masjidka rasuulka scw

Waxa caadiya in suuqyada iyo meelaha shaqada aanu jirin derbi u kala dhexeeya ragga iyo dumarka laakiin markay timaado masaajidka IN xilliyadan dambe uu jiro xanibaado soo wajaha haweenka.



Is dhexgalkii dhexmari jiray ragga iyo dumarka ee ka dhici jirey masjidka rasuulka scw scw waxay ahaayeen kuwa joogta ah waxana masjidka laftiisa nadiifin jirtey haweenay.

Waxa xaqiiqo ah in masjidka rasuulka scw scw is-dhexgalkaa darteed aan la bedelin qaabka masjidku u dhisan yahay iyo safafka salaada toona.

Qaybtan labaad waxaan sii wadaynaa heerka is dhexgalkaasi taagnaa



Xadiiska Sadexaad

Asxaabiga JAABIR (Alle raali haka noqdee ) ayaa weriyay xadiiskan. Wuxuuna yiri rasuuulka scw scw wuxuu ku joogsan jiray jirid geed markuu khudbaynayo, marka gabadh ka tirsan Ansaartii reer Madiina ayaa ku tiri rasuulkii Allow waxaan leehay adoon farsamo yaqaana, ma u sheegaa inuu ku dhiso minbar aad fariisato kana khudbayso, rasuulka scw scw ayaa u jawaabay oo yiri HAA.



Kadib rasuulka scw scw ayaa bilaabay isticmaalka minbarkii ay fikirkiisa lahayd gabadhaas Ansaariga ee ka dhex hadashay goobta. Maalin Jimce ah oo rasuulku scw scw akhrinaayay khudbada isagoo taagan, ayaa jiridii geedka ee uu ku taagnaan jirey ay ka soo baxday guux murugaysan oo oohin oo kale ah rasuulka scw scw oo ka jawaabay ayaa yiri run ahaantii waxa geedku la oynayaa waa digrigii ay wayday.

Xadiiska Afraad ee is dhexgalkii dumarka iyo ragga masjidka rasuulka scw scw



Hooyada muminiinta Caasha Alle raali haka noqdee ayaa xadiiskan soo warisay waxayna amaan dul dhigtey haweenka Ansaarta ee iyaga loogu yimi Madiina. Waxayna tiri fiicnaayaa haweenka Ansaarta xishoodkoodu kama horjoogsan jirin inay ogaadaan shay kasta waxa diintu ka qabto ayna fahmaana.





Xadiiska Shanaad waxa soo wariyay Cabdullah bin Mascuud

Cabdullahi ayaa yiri maalin ayaa rasuulku scw scw masaajidka soo galay isagoo ay la socdaan haween Ansaara. La socda goobta rasuulku galay waa masjidkiisii ayna la socdaan haween. Kadib waa wacdiyay wuuna guubaabiyay haweenkii la socday wuxuuna ku yiri hadii mid idinka mida ay ka dhintaan sadex caruura waa hubaal inay janada galayso.



Haweenay ka mida kuwa aadka loo ixtiraamo ayaa kacday waxayna ku tiri rasuulka scw scw ka waran mida iyada laba caruura ka dhintaan. Rasuulka ayaa ugu jawaabay iyadna waxay galaysaa janada.

Xadiiska Lixaad

Waxa warisay Asma bin Yasid Rabi raali haka noqdee waxayna tiri maalin ayaa rasuulka scw scw nooga sheekeeyay dijaajal cawar kadibna haweenay ayaa ku tiri rasuul Allow daqiiq ayaan u xashaa reerkayga, aadna way iigu adkaatey oo waxaaban ka baqay inay naftuba iga baxdo inteyna ii malaasmin oo ay uga jeedo sida ay diciifka ugu yihiin dijaajal Cawar.




Rasuulka scw scw oo u jawaabay haweenaydaa ayaa yiri haddii uu yimaado inta aan idinla joogo anigaa la doodi, haddii uu yimaad gadaashayna RABI subxaana watacaalaa ayaa ilaalin Muslimiinta aniga halkeygii.

La socda qaybta ugu dambeysa sagaalka xadiis oo looga hadli doono dhinaca sariirta oo aan gabasho lahayn

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS



Readers Comments (0)




Wararka xiga

Dr Nageeye oo ka hadlay horgalo reer Awdala oo askar u qoraya Muuse Biixi

March, 21, 2023
Madaxweynaha Awdal state Dr Nageeye ataa ka hadlay ...

Siyaasi Cali Faarax oo afka furtey kana hadlay kacdoonka reer Awdal

March, 16, 2023
Siyaasi Cali Faarax ayaa ka hadlay kacdoonka reer ...

SNM hadday Dir yihiin Samaroon Dir maaha

March, 9, 2023
Madaxweynaha Awdal state Dr Nageeye ayaa si adag ...

Ingiriiska oo sheegay inay sii wadayaan hubeynta Muuse Biixi ilaa

March, 5, 2023
Warqad ka soo baxday xafiiska Ingiriisku ku leeyahay ...

Ruushku inuu si xun u garaaco Yukrayn waxay ku xiran tahay??

February, 26, 2023
Wasiirka difaaca dalkaasi Ruushka oo ka jawaabayay hubka ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...