Tuesday, April 23rd, 2024
header










Meta







Qisada gabadh 19 jira oo nolosha lagu gubey oo gilgishey dal Muslima

Nusrat waa gabadh 19 jira oo ku noolayd dalkaasi Bangaladheesh oo nolosha lagu gubey kadib markii ay cabasho u gudbisay xukuumada ayadoo ka cabanaysa macalin Quraan faraxumeeyay. Gabadhan oo nolosha lagu gubey ayaa waxa ka gilgishey dalkaasi cadaalada xun ee Bangladheesh oo ay ka taliso haweenayda Xasina oo xukunka ku timi cadaalad daro laguka kacay.



Nusrat ayaa ehelkeeda u sheegtay in macalinka dugsiga ay aado uu faroxumeetay, faroxumeynta ayaa ka dhacdey xafiiska macalinkaas kadib markii uu u yeeray Nusraat kadibna ku bilaabay taataabasho laakiin ay sheegtay inay ka baxsatey intayna arintu gaarin heer kufsasho ah.



Waxay ka dacweysay xarunta booliiska oo lagu yaqaan musuq aad u farobadan, waxaba ka sii daran in ninkii booliiska ahaa ee xaruntaas fadhiyay uu moobilkiisa kaga duubey Nusraat oo u sheegaysa sida faraxumeyntu u dhacdey uuna leeyahay wejiga marada ka qaad, iyadna leedahay maya kama qaadayo xataa iskuna dayaayo inuu ka qaado.

Si kastaba ha ahaatee muuqaalkaas ayaa gaaray baraha bulshada. Nusraat ayaa ka soo jeeda qoys danyara. Ugu dambeyn waxa la qabtey macalinkii faraxumeeyay gabadha, waxase arintaa ka xanaaqay ardey ka mida kuwa ay wada dhigtaan malcaamada.



Waxay dalbadeen in la sii daayo macalinkaas. Usbuuc kadib markii ay gudbisay cabashadeeda ayay Nusraat go’aansatey inay dib ugu noqoto malcaamadii, waxana sii kaxeeyay walaalkeed oo hadda aad uga walwalsan amniga walaashiis maadaama hanjabaad loo soo direy lagu leeyahay ka noqo arinta.

Si kastaba ha ahaatee wuxuu geeyay dugsi Quraankii ay ahayd inay wax ka barato kuna nabad ahaato. Nusraat ayaa u fadhiisanaysay imtixaankii ugu dambeeyay. Walaalkeed ayaa sheegay inuu rabay inuu la galo dugsiga oo la joogo waase loo diidey.

Sida Nusraat u warantey walaalkeed waxa kaxeeyay ardey ka mida dugsiga oo geeyay fooqa sare ee dugsiga ayagoo ku leh gabdho ayaa lagu garaacay halkaas aan soo aragno. Ardeydaas oo isugu jira wiilal iyo gabdho wejiga qarsaday sida argagixisada kooxaha gaaleynta Muslimiinta. Markey halkaas tageen waxay ku yiraaheen ka noqo waxaad tiri. Nusraat way diidey inay ka noqoto.



Kadib inta midi qoorta qabtey waxay ku shubeen gaas kadib dab ayay qabadsiiyeen, waxayna uga tageen dhimasho ahaan, nasiib wanaag ayadoo oo aan dhiman maadaama wejiga u noolaa ayaa loola cararay isbitaal liita oo u dhowaa.

Intii isbitaalka lagu sii waday ayay fariin u duubtey walaalkeed ay u sheegayso sida wax u dhaceen iyo cida gubtey. Isbitaalkii liitey ayaa waxba u qaban waatay maadaama jirkeeda boqolkiiba 80% uu u gubtey si aan caadi ahayn.

Intii loola ordaayat isbitaalka kale ee weyn ayaa Nusraat dhexda naftu kaga sii baxdey. Markii dadku maqleen gubniinka Nusraat ayaa waxa baxay guuxii ugu weynaa dalkaasi fiqiirka ah ee cadaalad xumadu dishootey.

Macalinkii faraxumeeyay oo Nusraat wacad ku martey inay cadaalad ka hesho inta naftu ka bixin welli wuxuu ku jiraa jeelka,  waxase wax lala yaabo ah in ninkii booliiska ahaa ee muuqaalka ka duubaayay qof dhibane ah isna lagu abaalmariyay in la bedelo kaliya.



Inkastoo wadamada ugu kufsiga badan ay yihiin kuwa gaalada sida Maraykanka, Ingiriiska, Faransiiska iyo kuwa la midka ah waxase laga siman yahay cadaalad xumada ay helaan haweenka la kufsadaa sida kiiska welli uu la rafanaayo maamulka Puntland oo hadda ku sii soxda bishii sadexaad in Caasha cadaalad hesho.

Soomaali ahaan waxaad is weydiin kartaa waxaan ugu baahan nahay malcaamado ay dhigaan macalin aan marka hore khibrad u lahayn waxay dhigayaan, tan kalana caruurtu amni ku helayn inkastoo ay jiraan meelo la usku hakayn karo.

Si kastaba ha ahaatee arinta gilgishey Bangladheesh ayaa ah cadaalad xumada taala igoobaha dawlada iyo musuqa jira. Waana taasi waxa gubaya shacabka dalkaasi, waxase la sugaa waxa laga yeeli macalinkaasi.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...