Friday, March 29th, 2024
header










Meta







Qisada xanuunka badan ee Umu Salamah (xaaskii rasuulkeena (SCW)

Umu Salamah waxay markii dambe ka mid noqotey xaasaska rasuulkeena SCW kadib markii ninkeedu u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray dagaalkii Uxud. Waxay labaduba u haajireen Itoobiya oo markaa loo yaqaanay Abisiiniya ama dhulkii Xabashida oo hadda ah deegaan ka tirsan Tigreega.  Magaceeda saxda ahaa wuxuu ahaa Hind waxana dhalay oday Makka caan ka ahaa ahaana faxal u roon dadka safarka ah.




Umu Salamah waxa iyada iyo ninkeeda rasuulka scw Cabdullah ibn Cabdulasad kahor ahaayeen dadka faro ku tiriska ah ee qaatay diinta Islaamka, waxa la sheegaa inay qoyska rasuulka scw iyo Abuubakar iyo Cali iyo dhowr qof oo kale ka horeeyeen.

Isla markii qabiilka Qureesh ay maqleen inay qaateen diinta Islaamka, waxay damceen inay dhiigooda jaqaan, waxayna bilaabeen inay garaacaan laakiin kuma guulaysan inay dabciyaan oo kufaarnimo ku soo celiyaan, waxayse ka sii qaadeen in iimaanku u sii kordho.




Ciqaabta lagu hayo iyada iyo ninkeeda ayaa sii korodhey ilaa nolosha Makka ay u adkaysan waayeen. Kadibna rasuulkeena scw ayaa u fasaxay inay ka haajiraan magaaladii ay ku dhasheen iyo qaraabadoodii iyo weliba agtii rasuulkeena scw.

Haddaba hijrada ama ka tegida Makka iyada iyo ninkeeda iyo wiilkeeda yar ma ahayn mid fudud wuxuuse ahaa mid aad u xanuun badan oo ayna weligeed ilaawi karin.




Wuxuuna u dhacay sidan hoos ku qoran.

Markii ninkeyga Abu Salamah go’aansaday inaan ka haajirno oo aadno Madinah, wuxuu ii diyaariyay awr, wuuna I korsiiyay, wiilkeygana wuxuu ii saaray dhabteyda kadibna wuu dhaqaaqay isaga oo aan joogsan ama sugin cidna.

Intaanan welli ka bixin Makka ayaa waxa na joojiyay rag aan isku qabiil nahay dabcan qabiilku aad ayuu u xoogweynaa xilligaa, waxayna ku dhaheen ninkeyga, inkastoo aad u xor u tahay adigu inaad samayso waxaad jeceshahay, wax awooda uma lihid xaaskaaga. Waa gabadhayada, ma waxaad naga filaysaa inaan kuu ogolaano inaad naga kaxaysato?.




Kadibna way ku boodeen ninkeyga xoogna waa la iiga reebay ani iyo wiilkeyga. Waxa dhacdadaan arkaayay qabiilka uu ka soo jeedo ninkeyga oo arkay in ani iyo wiilkeyga ay na wateen. Cadho ayay is hayn kari waayeen.

Jooga jooga adeerayaal ayay ku qayliyeen wiilka xageed ku wadaan ma idinkaa leh, bartaa ku dhiga . Halkiibaa wiilkii la  iga xoogay kadibna gacanta ayay qabsadeen.

Murugaa ii bilaabatay

Si lama filaana daqiiqado yar kadib waxaan is arkay inaan keli ahay cidna ila joogin.

Ninkeygii keligii ayuu haajiray oo Madiina aaday wiilkeygii waxa kaxaystey ninkeyga qabiilkiisa anigana waxa xoog igu watay qabiilkeyga. Umu Salama waxa u bilaabatey murugo iyo walaac.




Maalintii aniga iyo ninkeyga iyo willkeyga nala kala reebay, waxaan duhur walba aadi jirey dooxadii ay murugadaan iigu bilaabatey, oo aan fadhiistaa. Waxaan dib u xasuustaa murugadaas ilaa aan ka ooyo inta habeenku soo galayo.

Waxaan sidaa ku jiray sanad iyo wax la jira ilaa maalin uu isoo agmaray nin ka tirsan qabiilka Banu Umayyah, arkayna xaalka aan ku suganahay. Wuxuu u tagay qabiilkeyga kuna yiri maad iska fasaxdaan gabadhaan miskiinta ah? Waxaad ku qasabteen inaad iyada iyo ninkeeda iyo ilmaheeda kala gaysaan.




Aakhirkii waa soo jilceen waxayna igu yiraahdeen orodoo u tag ninkaaga hadaad rabto. Laakiin sideen ninkeyga ugu tegi karaa Madiina anoo wadan wiilkeyga oo ah qayb dhan oo jidhkeyga iyo dhiigeyga ka mida ugana tagaa. Sidaan miyaa xornimo ah murugaa ii dhamaadee.

Qaar ka mida ayaa qalbiyadoodu ii furmay waxayna ila qaateen inay ila doonaan wiilka iina dacwoodaan. Waxana ugu dambeyn ninkeyga qabiilkiisa la iiga keenay wiilkeygii.




Hadda ayaa naftu igu soo noqotey ma rabo inaan daqiiqad sii joogo Makka waayo waxaan ka baqayaa in dib la ii dhigo mana garanayo cid I sii raacda si aan ula midoobo ninkeyga oo Madiina ku sugan.

Kadibna waxaan si degdega u diyaariyay awrkeyga wiilkeygana ku qabtey dhabta kadibna awrka u jeediyay wadada Madiina. Markaan gaaray Tanciim oo Makka u jirta ilaa 3km waxaan la kulmay Cusmaan ibn Dalxa oo ahaa ninkii hayay furaha kabcada Islaamka kahor oo welli aan Muslim ahayn.




“Xageed u socotaa gabadhii Sadarakiibey ayuu I weydiiyay? Waxaan u socdaa ninkeyga oo ku sugan Madiina ayaan ugu jawaabay laakiin qof kulama socdo ayuu iigu jawaabay, maya yaa RABI Ilaahay ka sokow wiilkeyga yar ayaan dhabta ku haystaa ayaanbku jawaabay.

Wuxuu ku dhaartey inaanu cidla igu ii deyn tilaa uu Madiina igu hubsado kadibna awrka ayuu hogaanka u qabtey waana na kaxeeyay. RABI ayaa awoodlee ma arag Carab ka nasabsan kana faxalsan.




Markaan gaarno meel lagu nasto wuu fadhiisin awrka, wuuna i sugi ilaa aan ka dego kadibna awrka ayuu geed geyn jiray, dabadeedna wuxuu tegi hadhka geed kale. Markaan nasano wuu diyaarin awrka kadibna hogaanka ayuu u qaban. Sidaa ayaan ku soconay maalin kasta ilaa aan gaadhnay Madiina.

Markaan gaadhnay Quba oo ilaa 2 mayl u jirta Madiina ayuu yiri ninkaaga tuuladaan ayuu joogaa ee ku gal barakada RABI.

Umu Salamah ugu dambeyn waxay is arkeen ninkeeda oo farxad is hayn kari waayay markuu arkay xaaskiisa iyo wiilkiisa, iyadna muxubo awgeed ayay kala balaaratay.




Sheekada oo dheer waxaan ku soo koobnay in ninkeeda oo asxaabi weyn ahaa inuu u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray dagaalkii Uxud. Duco ninkeedu ku ducaystey markii uu ka jiifay dhaawaca, ayay iyadna dirqi ku dhamaysay taas oo RABI u aqbalay kadibna oori u moqotey nin ka fiican ninkeeda waana rasuulkeena scw scw.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

Readers Comments (0)




Wararka xiga

Heshiiska badda ee Soomaaaliya iyo Turkiga yaa ka naxay ma Axmaarka mise??? XASAASI

February, 24, 2024
Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qalinka ku duugay heshiis ...

Caruurtii uu hooyadood ku hor gubay oo afka furtay: Qaracan runtii

February, 21, 2024
Maxkamad samirsiin u ah qoyska la baxsaday gacan ...

Qisada Cumar binu Khadaab iyo haweenay oynaysa

February, 20, 2024
Qisada amiir Cumar binu khadaab iyo haweenayda ooyaysa. ...

Dawlada Somaliya oo si toosa u sheegtay aqoonsiga Awdalstate

February, 13, 2024
Dawlada Somaliya oo si cad u sheegtay inay ...

Madaxweynaha Awdalstate Dr Nageeye oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay

February, 8, 2024
Madaxweynaha Awdalstate Dr Cabdisamad Nageeye ayaa si diiran ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...