Saturday, July 27th, 2024
header










Meta







Qisadii Xanuunka badnayd ee Cali iyo Sagal by Suldaan

imagesL5ZJHWPPQisadaan oo mid xanuun badan xambaarsan ayaa waxay dhex martay mucaashiqiin Somaliyeed, oo lagu kala magacaabo Cali iyo Sagal, Cali ayaa ka waramay qisadaan. Waxaan ku dhashay degmada Yaaqshiid ee magaaladda Muqdisho, sanadka markuu ahaa 1983-kii, waxaa kusoo qaatay waxbarashadeyda iskuulada Jubba iyo Axmed Gurey oo labaduba ku yiilay Xaafadda Towfiiq ee degmada Yaaqshiid ee magaaladda Muqdisho.

Sagal waxaan ku bartay iskuulka Axmed Gurey, waxaana ku bartay si kedis ah, maalin ayaa waxa dhacday inaan soo daaho, kadibna ilbaabka nalaga xiro aniga iyo dhawr kaloo Arday ah, hadaba waxa inagu dhex jirtay Sagal.

Waxaan ahaa wiil fur furan oo kaftan badan, anigoo Sagal iska faduulinaayo ayaa iska iri, walaaley aniga kubad baan kusoo daahee ee adna canjeero karis miyaad kusoo daahday, waxan islahaa waa ay xanaaqi doontee, balse taasi maysan dhicin oo qosol ayey ladhacday.

Qosol dabadiis waxaa inoo xigtay sheeko iyo inaan kala qaadano teleefanada.

Sagal waxaa ina dhex maray sheeko dheer, heer waxaa isla gaarnay inaan aad isku xiiseyno, anagoo uusan ina dhex marin wax jaceyl ah, intii aan sheekeysaneynay ayaa waxaa dhaci jirtay, ugu yaraan 3 saac inaan teleefan ku wada hadalno.

Intaas kadib waxaa dareemay jaceyl inaan u qabo Sagal, hase yeeshee maanan u sheegan, anigoo ka cabsi qabay in’ay i dhahdo laba qof oo walaalo uun baa-nahay ee iga xishoo.

Jaceylkii aan u qabay ayaa igu-sii xoogeystay, Sagal qudheedu waa ay i jecleyd balse maanan aheyn qof dareemi karay in’ay i jaceshahay, ileen sirta dumarka lama bixin karee.

Waxaa inoo dhamaaday iskuulkii. Habeen habeenada kamid ah, anigoo yaaban garan la’ waxaan sameeyo, ayaa inta aan indhaha isku qabtay, anigoo leh wixii ka dhacaayo haka dhaco caawa waa inaad sheegataa jaceylkaaga, ileen wixii aad qarsato waa ay ku qarsadaanee.

Sagal ayaa wacay wareysi kadib, waxaan ku iri Sagal caawa waxan rabaa inaan ku sheego arin haddii aad maqasho laga yaabo in’aad si qalad ah u fahanto, waxaa laga yaabaa inaad ku faraxdo.

Caawa waxaan rabaa inaan ku sheego arin wax badan aan kaa qarinaayey, anigoo indhaha isku haayo, misana gariiraayo ayaan ku iri Sagal I love You.

Sagal oo iyaduba aheyd qof i jacel ayaa waxay igu dhahday Caliyoow wax badan waa dareemi jiray inaad i jaceshahay. Markaan runta ku sheego aniga qudheeda waan ku jeclahay, balse waxay iga aheyd isagaa nin rag ah ee ka war sug.

Aniga iyo Sagal jaceyl xilli dheer leh ayaa ina dhex maray, waxa noqonay laba qof oo leesku xanto. Waxaa noqonay laba qof oo lagu sheegi jiray in’ay yihin mucaashiqiin uu Jaceylkeedu yahay mid dhab ah, waxaana ku heshiinay Guur.

Waxaa jiray wiil walaalkey ah oo wax badan iga weynaa, kuna noolaa dalka Finland, ayaa wacay una sheegay in’aan jeclahay gabar uu magaceedu yahay Sagal, kuna heshiinay Guur. Durbadiiba walaalkey iga aqbaly in uu i sameyn karo, wax walbo oo aan uga baahdo.

Xilligaas wuxuu ahaa xilligii ay magaaladda Muqdisho ay soo galeyn, ciidamadii gumeystaha ee Itoobiya.

Aniga iyo macaanteeda waxaa ku heshiinay inaan aadno Kenya, Bacdamaa malaagadda Muqdisho ay noqotay goob lagu hardamo. Sidii ayaa Kenya ku tagnay, anagoo halkaasi kasii wadanay jaceylkayni.

Kenya ayaa waxa kaga nooleyn magaaladda Mombasa gaar ahaan xaafadda Docks, halka ay Sagal-na ay ka degneyd xaafadda Ferry.

Waxaa dhacday Sagal Aabaheyd oo ku noolaa magaaladda Muqdisho in uu yimaado magaaladda Mombasa. Nasiib daro Sagal wuxuu siiyey nin duq ah oo ganacsado ah.

Sagal oo yaaban misa-na uu xaalka ku xun yahay ayaa i soo wacday, iina sheegtay in uu Aabaheyd siiyey nin da’ ah balse leh lacag. Waxaan ku heshiinay inaan kulano si’aan uga hadalno arinta nagu soo korortay.

Maherka Sagal ayaa laga dhigay 20 janaayo 2010. anagana waxaan ku heshiinay inaan kulano 18 janaayo 2010, balse taasi maysan dhicin, iyadoo ay tahay goor subax Aroor ah ayaa Sagal waxa u wacay Aabaheyd, kuna war geliyey in maherka uu dhacaayo saacad kadib.

Markaas ayey Aabaheyd ku tiri Aabe soo balantu maysan aheyn 20 janaayo,

Sababta aad uga dhigtay 18 oo ah maalin aanan ku tashaneyn maxay tahay. halka uu Aabaheyd isku difaacay, ninka ku guursanaaya waa nin ganacsada ah, marka safar deg deg ah baa-soo galay wuxuuna doonaayaa in uu iskaga tago Mombasa 19 janaayo, Sidaasi darteed ayaa maanta oo 18 ah uga dhignay in uu dhaco maherka, Sidaasi ayuuna ku dhacay maherkii Sagal.

Maherka kadib Sagal oo iska ooyneysa baa i soo wacday, iyadoo i sheegtay sidii ay wax u dhaceyn, durbadiiba intaan naxay ayaa suuxdin ladhacay.

Hadaba Bulshada qisadaan akhrisaneysooy haddii ay tanoo kale ay idinku dhici laheyd sidee baad uga samata bixi laheydeen?. Hada waxan sameeyo garan maayo, waxaa igu soo yaraaday wadanka Kenya oo dhan.

Sagal ayaa waxa igu sasabtay in’ay i soo baxsan doonto, halka aan anigana ka diiday. Waayo Rasuulku (NNKH) wuxu yiri, Dumarka lasoo doontay ka leexda, hadaba maxaad u maleyneysaa naag nin kale lagu daray haddii ay kaaga soo go’do. Dabcan waa wax aanan sal iyo raad ku laheyn Diinteena Suuban ee Islaam-

ARAABINEWS

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...