Thursday, May 9th, 2024
header










Meta







Qiso dhaba iyo nin ka tagay xaaskiisa oo uurleh laakiin ilmaha ku amaanaystay rabigiisa

Nin baa u yimid Cumar bin Khadaab radiyalaahu canhu (RC) ninkaa wuxuu watay Wiil Yar, Cumar ayaa yiri waxaan arkay Maanta wax Yaab leh, waligey ma arag Nin ilmahiisa saan ugu Eg yahay, markaasuu ninkii yiri hadaad Ogaan lahayd Wiilkaan inay Dhashay Hooyadii iyadoo meyd ah.
Markaasuu Cumar RC yiri isagoo bedelay siduu u Fadhiyey ”iiga Sheekee siduu ku Dhashay ayadoo Meyd ah.
Ninkii wuxuu yiri wiilkaan isagoo Caloosha Hooyadii ku jiro ayaa Safar i soo Galay, markaasay Hooyadii tiri halkee nooga Tageysaa anoo Xaamilo ah? Haddaba, markaan Albaabka Guriga ka baxayey ayaan Caloosheeda Gacanteyda saaray oo aan ku iri RABOW ADIGAAN KUGU AMAANEYSTAY WIILKEYGA. intaas ka dib ayaan Safarkii u baxay.

Haddaba markaan Safarkii ka soo laabtay ayaan imid Gurigii oo Xiran ka dib Deriska ayaa ii sheegeen iney Xaaskeyga Dhimatay ka dibna waxey ii keeneen Casho anoo Cashadii cunaaya ayaa waxaan arkay Qiiq meel ka baxaayo kolkaas ayaan dadkii weydiiyey waxaana ay ii sheegeen inuu Qiiqaasi yahay Qabriga Xaaskeyga iyagoo weliba ii sheegay maalintii la Aasay ilaa iminka inuu Qiiqaasi ka socdo Qabrigeeda.

Wallaahi inaan Dadka oo dhan uga Aqoon badanahay inay ahayd Qof Taqiyad, Saalixad, Soon badan oo wixii Xun Reebta, wixii Sana dadka Saarta ayey aheyd kolkaas ayaan dadkii ku iri ‘soo baxa i Raaca aan soo arkee waan soo baxnay markaan Qabrigii imaanay ayaan ku bilaabay inaan Qodno. Markaan Qodnay mise waxaan aragnay Xaaskii oo Meyd ah oo Fadhisa iyo Wiilkii oo Ag fadhiya ka dib ayana maqlay Cod i leh ‘KII AMAANADA RABIGIISA U DHIIBTAYOOW QAADO AMAANADAADA.

Culimadu waxay yiraahdeen hadduu Dhihi lahaa Illahow Wiilkeyga iyo Hooyadiis ayaan kugu Amaaneystay, ayadoo nool buu ugu Imaan lahaa laakiin Qadarka Allaah ayuu ahaa inuusan sidaa Dhihin oo waqtigeeda ayaa intaa ku Ekaa.

ARAABINEWS

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...