Friday, April 26th, 2024
header










Meta







Qofka jooga deegaankiisa ee aan ka ordin masiibada wuxuu helayaa ajarka qof shahiidey

Markaad cinwaanka akhrido waxaan is odhan kartaa sidee wax u jiraan laakiin waa xadiis dhaba oo ka hadlaya masiibooyinka  dhaca sida cudurka hadda aduunyada ku faafay ee Kooro ee halista ah marka uu gaaro sambabada.



Waxa uu ka hadlayaa ajarka uu leeyahay qofka aan ka ordin cudurka ee ku nagaada deegaanka ama dalka uu joogo ee haddana ka badbaaday ajarka uu leeyahay oo u dhigma qof shahiidey oo kale.

Inteena badan shahiid waxaan u naqaanaa qof dagaal ku dhintey oo ALLA dartii u dhintey qaasatan asagoo difaaca diinta RABI sida xilligii uu noolaa rasuulkeena CSW.



Haddaba waa maxay shuruudaha xadiiska

Xadiiska waxa ka soo werisay rasuulkeena CSW xaaskiisa Caasha (rc) waxana xadiisku leeyahay Qofkii ku nagaada gurigiisa ama deegaankiisa xilli ay dilaacdo masiibo sida Kooro oo kale waqtigeena ee la yimaada SADEX arimood oo kala ah 1- SAMIR 2-Ajar uu ka rajaynayo ALLE 3-Yaqiinsan inay ku dhacayaan KELIYA wixii RABI u qorey, waxa rasuulkeena CSW laga soo wariyay in qofkaasi helayo AJARKA qof shahiidey.



Caalimka weyn ee Ibnu Xajar Alle u naxariistee oo sii fasiraya xadiiska rasuulka CSW ayaa yiri Xataa haddii qofku ka badbaado masiibada oo sadexdaa arimood ee kore aaminsan yahay wuxuu helayaa WELLI ajarka qofka shahiidey.

RABI ha inaga dhigo kuwii ku sugnaada sadexdaa arimood ee xadiiska rasuulkeenu tilmaamayo. Aan noqono kuwii had iyo jeer ku xirnaada RABIGEENA ogna QADARKA RABI, Samir buuxa la yimaada, RABINA ka rajaynaya AJAR.

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...