X

Qoorqoor oo soo faqay ajaanib si cad faraha ugula jira qaska Galmudug

Madaxweynaha Galmudug oo markii ugu horeysay ka hadlayay weerarka qaawan ee qowlaysatada ku qaraabata magaca Ahlusunna ku qaaday Guriceel ayaa dalbaday in shacabka si isku mida loogu wada gurmado. Mooryaantan ku qaraabata magaca Ahlu sunna ayaa hadda dhufays ka dhigatey guryaha shacabkii ay barakicisay.


”Waa tabtii dhiigmiiratada shabaab oo dadka marka hore barakicisa kadibna guryahooda ka dhigta dhufaysyo ayuu yiri Cali Calasow. Qoorqoor oo ka hadlaayay siyaasiyiin fashilmay oo arintan si qabiila uga hadla Somalidana marin habaabiya ayuu u sheegay inay ka go’an tahay inuu amarka iyo kala dambeynta soo celiyo.


Qoorqoor ayaa si cad u sheegay ajaanib si toosa faraha ugula jira qaska Galmudug oo ka dambeeya mooryaanta sheegata Ahlu sunna. ”Waan soo bandhigi doonaa waanan haynaa cadayn buuxda ayuuu yiri Qoorqoor.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.