X

Qoraa reer Awdala oo jago madhan ka aqbalay Muuse Biixi

Qora reer Awdala oo jago madhan ka aqbalay Muuse Biixi. Muuse Biixi oo bedelay wakiilada u jooga wadamada jaarka iyo kuwa fogfog ayaa Bashiir Sh Cumar Good oo qoraa ka dhigtey wakiilka Maraykanka.

Muuse Biixi waraaq uu soo qorey ayaa Siilaanyo sodogii ka qaadey wakiilnimadi Imaaraadka kuna bedelay mid xaaskiisu Edo u tahay. Jagada Imaaraadka ayaa ah mida ugu wanaagsan wakiilada.


Muuse Biixi ayaan isagu isticmaalin erayga Safiir isticmaalayna erayga Wakiil markii ugu horeysay. Talabadan ayaka dhigin in aan dhalinta lagu qaldin Karin erayga Safiir.

Hoos ka akhri warqad Muuse Bixi soo saaray


Waxaan Go’aamiyey;
In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiintan:
1. Baashe Cawil Cumar Wakiilka Somaliland ee Dalka Kenya.
2. Xasan Hirad Yaasiin Wakiilka Somaliland ee Dalka Imaaraadka Carabta.
3. Bashiir Sheekh Cumar Good Wakiilka Somaliland ee Dalka Maraykanka.
4. Cabdillaahi Cabdi Cali (Dhakaar) Ergayga Gaarka ah ee Somaliland u qaabilsan Urur Goboleedka Horumarinta iyo Xidhiidhka Bulshada Bariga Afrika (EAC) .
5. Xasan Axmed Ibraahin (Embassy) Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka Qaranka.

Waxa soo akhriyay Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.